WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, December 4,2016 (Saxafi)-khilaaf hor leh ayaa soo kala dhexgallay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ka dib markii Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya sheegay in loo baahan yahay in la bedelo hogaanka sare.

Agaasimaha warfaaafinta madaxtooyada Soomaaliya Shador Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in hadalka ra’iisal wasaaruhu ahaa mid gaf ah, islamarkaan aan ku saleysneyn sidda uu hadalka u dhigay anshaha doorashooyinka.

“Ra’iisal wasaaraha waxaa wanaagsaneyd in uu ilaaliyo anshaxa doorashooyinka iyo mas’uuliyadda wali uu wali dalka ka hayo ee Ra”iisul Wasaarenimo, ma wanaagsana in uu  ololaha doorashadiisa shaqsiydeeyo”ayuu yidhi Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Shador Xaaji Maxamuud

SomlegalAds

Agaasimaha ayaa sheegay in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud mudan yahay in lagu amaano difaaca danaha umadda Soomaaliyeed iyo diidmada faragalinta shisheeye, isaga oo intaa ku darray in mar walba madaxweynaha u taagan yahay xuquuqda dalka, bad iyo bari intaba.

Hadalka ka soo yeedhay madaxtooyada Soomaaliya ee loogu jawaabay ra’iisal wasaaraha ayaa muujinaya khilaafka iyo farqiga dhinaca doorashada ee u dhaxeeya labadan mas’uul oo hadda ah musharixiin u wadda taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya sanadkan 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isal wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid ayaaa labadooduba u taagan yihiin musharaxnimadda madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in doorashadda soo socota ka dhici doonto Soomaaliya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.