WorldRemitAds

Guddoomiye Muuse Biixi oo dardaaran la xidhiidha doorashada iyo ololaheeda u jeediyey dadweynaha reer Abdaal

Hargeysa, Somaliland, December 4, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa galabta kadib 15 maalmood oo safar la xidhiidha xaaladda abaarta ka jirta ugu maqnaa gobollada bari ee Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo madax kale oo xisbiga ah iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo qayb ka ahaa weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ee socdaalka qiimaynta xaaladda abaarta iyo gurmadka taakulada dadka jilicsan ugu baxay saddex toddobaad ka hor gobollada bari, balse kaga hadhay weftiga Gobolka Sanaag, isla markaana arrimo dheeraad ah oo ku saabsan abaarta iyo hawlo shaqo oo xoojinta iyo kormeeridda xafiisyada xisbiga ee gobollada iyo degmooyinka ka soo fuliyey Gobollada Sanaag, Togdheer iyo Saaxil, ayaa ku soo noqday magaalada Hargeysa galabta.

SomlegalAds

Daawo Muuqaalka Sawirada Soo Dhaweynta Guddoomiyaha KULMIYE

Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinayey oo ka soo ambabaxay magaalada Berbera saaka, waxa si wayn loogu soo dhaweeyey degaannada u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, gaar ahaan tuulada Lafaruug iyo degmada Mandheera oo dadweyne fara badani ku qaabileen.

Magaalada Abdaal ee xarunta degmada Mandheera oo soo dhawaynta ugu wayn loogu sameeyey weftiga Guddoomiyaha KULMIYE, waxa isugu soo baxay boqolaal dadweyne rag iyo dumarba leh oo ay hoggaaminayeen madaxdhaqameedka, odayaasha deegaanka iyo xildhibaannada Baarlamanka iyo dawladaha hoose ee degmada laga doortay, kuwaas oo xaflad ballaadhan oo ay ugu sameeyey gudamaha magaalada Abdaal kaga caddeeyey taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbal-xaakimka iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi, iyadoo halkaasi laga jeediyey khudbado lagaga hadlay taageerada xisbiga iyo dareenka madaxdu ka bixiyeen. Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE xadhigga ka jaray shan xafiis oo cusub oo xisbigu ka furtay magaalada Abdaal.

Murrashax Muuse Biixi oo khudbad dardaaran ah u jeediyey reer Abdaal, waxa uu yidhi, “Waxa ina soo haya dabayshii ololaha doorashada, haddaynu KULMIYE nahay waxaynu isku dardaaraynaa in aynu ku galno xamaasad nabadgalyo leh, innagu ma nihin dad shaki qaba oo ka baqaya cod iyo awood ay ku soo baxaan waraaqaha la tirinayo, sidaas darteed, dad badan oo laga yaabo inay xamaasad iyo xasarad kiciyaan weliba dhallinyarada waxaan uga digayaa innaga in aan la inna qasin oo aan dad cadhaysani inna jiidh-jiidhin oo aynu dulqaad ku galno xamaasadda ololaha waa arrinta koowaad, mar haddaynaan taa shaki ka qabin waxa la innaga rabaa dulqaad badan iyo xamaasadda oo aynu yarayno. Odayaashana waxaynu ka rabnaa inay ku hoggaamiyaan ololaha iyo doorashada gobonimadii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sheegay ileyn waakii yidhi Somaliland gobteedu waa Abdaal’e.

Laba waxaynu doonaynaa in aynu tusaale u noqonno dimuqraadiyaddu inay tahay iyadoo saaxiib la yahay, walaalo la yahay oo la wada shaahayo in nin waliba codka ku rido warqaddiisa, nin walibana ku iimaan-qabo wixii warqaddaas iyo sanduuqaas uga soo baxa.”

Waxa kaloo uu si wayn uga mahadceliyey soo dhawaynta ballaadhan ee uu kala kulmay dadweynaha ku dhaqan degaannada degmada Mandheera.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.