WorldRemitAds

“Anigu noqon maayo inaan noqdo sidii Xirsigii khiyaamiyey madaxweynihii magacaabay, waxaan u dhaartay in qaranka iyo madaxweynaba daacad u ahay..”

“waxay igu caayaan Cadaanni waa guul waddoo wuu  ooyaa oo madaxweynuhu jecel yahay, anigu madaxweynaha daacad baan u ahay damiirna waan leeyahoo maalmihii abaaruhu jireen sidii wadadda…..”

Hargeysa, Somaliland, December 4, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiis Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey socdaalkii Tabantaabo ee Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisu ugu gurmadeen dadka abaaruhu ku haleelay gobolada bariga Somaliland, kaas oo uu sheegay in ay gurmad ballaadhan xukuumaddu ka gashay dadkaas abaartu haleeshay, isla markaana ay gaadhsiiyeen raashin, biyo, iyo dharba.

SomlegalAds

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay kaalmadda gaadhsiiyeen laba iyo soddon kun iyo shan boqol oo qoys oo abaartu saamaysay, waxaanu xisaab ahaan ummadda u soo gudbiyey intii ay safarka ku jireen iyo ka hor mudaddii abaartu ku jirtay wixii kharash kaga baxay.

Wasiir Cismaan Cadaanni oo kharashkii ku baxay faah-faahinaya waxa uu yidhi “Laba iyo sodan kun iyo shan boqol oo qoys, waxa la gaadhsiiyey  cunno ka kooban Bariis, sokor, daqiiq iyo saliid, waxaana lacag alaabtaasi la soo siiyey noqonaysaa hal milyan, afar boqol, laba iyo lixdan kun  iyo shan boqol  oo doolar, waxaa kale oo aanu gaadhsiinay biyo ka kooban kun iyo sagaal boqol iyo konton  booyadood oo ay ku baxday lacag dhan saddex boqol iyo laba iyo lixdan kun oo dollar, afar baabuur oo nafaqo siday buskud, timir, caanno maraaci, iyo kaluun waxa iyadana ku baxday lacag dhan, lix iyo lixdan kun oo dollar, afar boqol iyo sagaal bundadood oo iskugu jiray dhar, koodhadh, dhar caadi ah oo ay bixiyeen dhalinyaradda xisbiga kulmiye, iyadana waxa ku baxday lacag dhan shan iyo afartan kun oo doolar, kun buste oo cusub oo dadkii loo qaybiyey waxa iyana la soo siiyey lacagdhan  kow iyo toban kun oo dollar ah. boqol iyo sideed lawdh oo ah ah baabuurta shaanbooga loo yaqaan  oo dadka degan galbeedka Somaliland ugu deeqeen walaalahoodda bariga ee abaartu ku dhufatay oo ahaa balkii u baxay oo bilaash ugu deeqeen kharashkii ku bxay guritaankoodda waxay dhan tahay afartan kun oo dollar, wasiirka Maaliyadda oo iyadu naga sii horeysay oo gurmadka iyaduna mar hore sii gashay waxay ku bixisay boqol iyo afar iyo toban kun oo ay u iibisay raashinkii iyo biyihii ay qaybinaysay, guud ahaan lacagta abaarahaasi ku baxday waxa weeyi laba milyan iyo boqol kun oo dollar, waa bil gudaheed gurmadkaasi ay kharashaasi ku baxay, waana wajigii saddaxaad ee lacagtaasi gaadhay dadkaasi tabaalaysan “

Mar kale oo la waydiiyey khilaafka ka dhex jira wasiirka biyaha iyo wasiirka Madaxtooyadda waxa uu sheegay in madaxweynuhu og yahay oo uu arrintaasi xalinteeda gabo gabo tahay, waxaanu yidhi “ arrintaasi madaxweynuhu wuu og yahay xalayna waa laga wada hadlay, arrintaasi waaa arrin lagu jiro, waanay dhamaanaysa insha alla.”

Sidoo kale, wasiir Cadaani wuxuu sheegay in lagu daacayadeeyo inuu yahay guul waddo, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigu noqon maayo inaan noqdo sidii xirsigii khiyaamiyey madaxweynihii magacaabay, waxaan u dhaartay in qaranka iyo madaxweynaba daacad u ahay, haddii aan ka tagayo inaan si fiican uga tago, waxay igu caayaan Cadaanni waa guul waddoo wuu u ooyaa madaxweynuhu jecel yahay, anigu madaxweynaha daacad baan u ahay damiirna waan leeyahoo maalmihii abaaruhu jireen sidii wadadda oo kale waad ooyeysa oo qofkii damiir lihi wuu ooyeyaa haddii damiirka ilaahay ka saaray oo dhagax tahay qarankani uma baahna qof dhagax ah oo damiir lahayn qof u damqada ayuu u baahan yahay, anigu ma aqaana halkan baa barri doog leh halkaasi tag laakiin nidaamka iyo dawladnimada aqaana oo waxaan ahaa ragii kulmiye qaybta weyn ka qaatay iillaa mucaaradkiisii”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.