Hargeysa, Somaliland, December 14, 2015 (Saxafi) – Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ee dalka ka talisaa ay ku fashilantay haykalkii dawladnimo oo ay burburisay, isla markaana ay adagtahay waqtigan isu socodka wadamada inala jaarka ah.
Axmed Mumin Seed oo shalay warbaahinta la hadlayey isagoo ku sugan xarunta guud ee xisbiga Waddani ee ku taala magalada Hargeysa ayaa ka hadlay safarkii u dambeeyey uu wasiirka hawlaha guud & guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan” uu ku tegay magalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. “Dowladda maanta talada dalka haysaa oo uu Axmed Siillaanyo hogaamineyo waa ay ku fashilantay hogaankii umadda iyo dalka, waxaad dareemaysa marka aad safarka gasho ayaad daramaysaa isu socodka xuduudaha oo dhan culays badan baa ka jira, laakin xukumaddu waxaas oo dhan kama war hayso.
![Guddoomiye Ku Xigeenka](https://i0.wp.com/saxafimedia.com/wp-content/uploads/2015/12/Axmed-Muumin-300x225.jpg?resize=300%2C225)
Waxaad mooda talada dalka in nin waliba halka uu joogo uu isku cajibeyo (sida uu doono uu yeelo) laakiin cid shicibkii eegaysaa iyo xaalada dalka maanta halka uu marayo ma jirto, waxaa loo baahan yahay in madaxweyne Siillaanyo umaddiisa la hadlo oo u sheego xaalada dalku maanta halka ay marayso iyo meelaha uu wax ka qaban karayo, runtii dowladan maanta waxa uu taala hawlo badan oo looga fadhiyo.”
Gudoomiye Axmed Mumin Seed, ayaa sidoo kale ka hadlay degaano ka tirsan Somaliland oo macdano laga baadhayo, islamarkaana ay cabashooyin badani ka soo baxayaan qaar ka tirsan shacabka ku nool deeggaanadaas waxaana uu ugu baaqay xukuumadda in ay shacabkeeda u tudho, waxana uu yidhi “Arrintaasi runtii goobaha laga qodayo macdanaha dadka shicibka ah ee ku nool dhibaatooyin faro badan bay dadkaasi sheeganayaan, in dadka gurmad loogu tago oo xukumadu arrimahaa ka hawlgasho oo shicibku waxa ay ka cabanayaan la eego oo hoos loo eego weeye”.