WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland September 8, 2016 (Saxafi) – Gudoomiyaha maxkamada sare ee Jamhuuriyada Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in muwaadiniin reer Somaliland ahi ay u soo gudbiyeen dacwad ku saabsan muranka ka taagan lixda goobood ee waqooyiga Hargeysa.

Guddoomuiyaha Maxkamadda sare waxaa uu tilmaamay in ay ka qabteen muwaadiniinta dacwada ay soo gaadhsiisay.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Somaliland Aadan Xaji Cali Axmed oo shalay ka qayb galay munaasibad lagu shaacinayay guddi loogu talagalay xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo ay sameeyeen dalada ururada bulshada rayidka ah ee SONSAF oo lagu qabtay hudheel Maansoor ee magalada Hargeysa, ayaa Aadan Xaaji Cali khudbad uu ka jeediyay waxaa uu ka sheegay in doraad (Salaasadii) muwaadiniin reer Somaliland ahi ay dacwad u gudbiyeen maxkamada dastuuriga ah, taas oo ku saabsan goobaha diiwangelintooda muranku ka tagnaa, waxana uu hadalkiisu u dhignaa sidan “Shalay (doraad) oo ugu dambaysay sida maanta (shalay) saxaafadda ciwaankooda aad ku arkayseen ayaa waxa ay diiwaangeliyeen oo ay keeneen maxkamada dastuuriga ah, dacwad ku saabsan goobahan diiwaan gelintooda la isku haysto. Maxkamada dastuuriga ahi way ka qabatay dacwada, waanan darsaynaa, waxaana aanu eegaynaa awood ma u leeyahay oo dastuurku muxuu ka leeyahay hay’adaha kale baanu la tashanaynaa. Laakiin, waanu ka qabanay dacwada muwaadiniin leh goobaha la isku haysto ee muranku ka taagan yahay ee sadexda gobol isku haystaan ha laga joojiyo in laga qabto diiwaangelinta, shalay (doraad) oo ugu dambaysay ayay dacwadaas diiwaan geliyeen. Waanan ka qabanay muwaadiniinta dacwadooda, waanan eegaynaa darsaynaa oo hay’adaha kale ee dastuuriga ah baanu la eegaynaa oo kala tashanaynaa, waxa jawaabtu noqoto ayaanan siinaynaa”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.