WorldRemitAds

Faallo doodi hore ee dhex martay labada Musharax ee Doorashada Madaxtooyada Maraykanka, wargeyska Saxafi ka diyaariyay, ayaa si wayn inoogu faah faahisay, qaabka shacabka Maraykanku u qiimeeyaan, doodaha loo qabto Musharaxiinta u ordaya doorashada.

haddaba aynu wax yar ka soo qaado qodob ku jiray faalada Wargeyska Saxafi kaga hadlay shuruudaha dadka Maraykanku ku qiimeeyaan Musharaxa, taas oo ahayd muuqaalkiisa shakhsiyadeed ee uu masraxa la soo gol joogsado, kaas oo afka qalaad loogu yeedho (Body Language)ka.

SomlegalAds

Muuqaalka hab dhaqanka musharaxu waa shuruuda ugu muhiimsan ee dadka Maraykanku ku qiimeeyaan musharaxooda, gaar ahaan cod bixiyayaasha madaxa banaan ee aan wali la kala safan labada musharax.

Doodii ugu danbaysay ee labada Musharax Hillary Clinton iyo Donald Trump ee habeenkii Isniintii soo galayay, loogu qabtay jaamacada Washington, oo ahayd mid si wayn indhaha loogu hayay, aadna loo danaynayay, ayaa labada Musharax midba waji iyo muuqaal si laga akhrisan karo jawigiisa runta ah la soo galay.

Musharaxa xisbiga Dumuqraadiga Hillary Clinton, oo iyadu ku guulaysatay doodii tan ka horaysay, waxay masraxa soo gashay iyadoo dhoola cadaynaysa, isla markaana weji furnaan sida qoraxda u nuuraysa ku darsatay ku lamaan tahay.

Halka musharaxa la tartamaya Donald Trump uu masraxa ka soo galay isaga oo socodkiisu laga dareemayo sidii qof tiicaya oo daal badani ka muuqdo, waji gabax wayna hadheeyay, wuxuu ahaa qof fir fircoonidu gabi ahaanba ka luntay.

Halka Hillary Clinton isku dayday inay dadkii madasha ku sugnaa wada salaanto, waxaanay iyadoo shuruuda dooda ilaalinaysa ay haddana madaxa u ruxday ka soo qayb galayaashi dooda labaad ku sugnaa.

Sidii caadadu ahayd waxa bilaabantay doodi, waxaanay ahayd mid aanay sidii tii ka horaysay, aanu hadalku ku koobnayn labada musharax oo waxa ku badnaa su’aalaha dadka madasha ku sugan, xubnaha dooda daadihinaya iyo internet-ka laga soo waydiinayo.

Trump iyo Hillary Clinton waxa mid walba la siiyay labo daqiiqo oo ay ku furtaan dooda, waxaana sida habdhaqanka doodu yahay, lagu horaysiiyay Donald Trump oo magaciisu tirsiga xarfaha (ABC)-da ka horeeyo ka Hillary Clinton.

Laakiin labadiisi daqiiqo may ahayn kuwo loo soo joogsado uu ku kasbado dhegaha daawdayaasha madasha iyo kuwa warbaahinta kala socda, sidii lagu yaqaanayna wuxuu ku dhamaystay canbaaraynta iyo weerarka Hillary Clinton.

Markii la soo gaadhay Hillary Clinton, waxay ku bilaabatay hadalo ujeedaysan oo taageero doon iyo olole isugu jira, waxay markiiba taabatay fadeexada hadhaysay musharaxa la tartamaya, waxay muujisay sida ay uga xumaatay hadal laga baahiyay Donald Trump wakhti uu haweenka cay iyo hadalo dhalaan nimo ka muuqato ku durayo.

Wixii intaa ka danbeeyay waa la isku muruxsaday oo midba mar ayuu makarafoonka boobay, laakiin waxaa layaab lahayd in Trump uu markiiba waji gabax bilaabay, oo sida dadka qaadka cunaa u yaqaanaan ka doolakhay wajiga iyo labada daan.

Wuxuu ahaa mid marba sidii qof ciyaal iskuul ah u daba soconaya Hillary, wuxuu ka cadhooday su’aalo la waydiiyay oo markii uu jawaabtooda ka meeraystay laga codsaday inaanu ka bixin dooda.

Sida warbaahin badan oo dalka Maraykanka laga leeyahay tilmaamayso, Donald Trump waxa loogu taag waayay in lagu soo dabaalo dooda, waxaanu ku guul daraystay inuu ka jawaabo su’aalaha la waydiiyay, is difaacistiisana waaqaca dhabbta ah ku saleeyo.

Trump waxa ka muuqday Samir daro, oo ah mid dadka Maraykanku u yaqaanaan kalsooni daro iyo fududayd, wuxuu tiraba dhawr jeer qabsaday labadii wariye ee dooda hogaaminayay, ilaa uu ku tilmaamay inay la safan yihiin Hillary Clinton, “Waa dood sadex qof iyo qof wada doodayaan.” Sidaa waxa yidhi Donald Trump oo ka cadhooday markii loo sheegay in wakhtigu ka dhamaaday.

Mar kale ayuu Donald Trump isaga oo ka boodsan dhex dhexaadiyayaasha Dooda uu af labadii waaxay, waxaanu yidhi, “Iyada waxaad u ogolaateen inay daqiiqad iyo afartan ilbidhiqsi sii hadasho, Aniguna haddaan ilbidhiqsi dhaafiyo waad igu qaylinaysaan.”

Labada Suxufi ee dooda daadihinayay oo Nin Iyo Gabadh kala ahaa ayaa ka kala socday labada Telefishan ee CNN iyo CBS-, waxaanay ahaayeen sida la sheegay labao qof oo degan, si hufana u hagayay dooda.

Laakiin Musharax Donald Trump oo markiiba duqayn iyo eedayn ku miisay wuxuu lumin gaadhay habsami u socodkii dooda, wallow ay ka dhego adaygeen haddana waxa xanaaq yar laga dareemay suxufiyada dooda la daadinaysay wariyaha CNNta ka socday.

Muuqaalka ugu layaabka badnaa Donald Trump ee sida wayn loogu baahiyay baraha xidhidihka bulshada ee Internet-ka ayaa ahaa, markii Hillary Clinton oo hadlaysa uu sidii qof cadhaysan ugu soo dhaqaaqay, una soo dabo istaagay, ficiladaas oo dadka qaarkood moodeen inuu dagaalamayo ama makarafoonka uu ka boobayo.

Bogga lixaad ee Wargeyska Saxafi, cadadkii 1643 ee soo baxay Salaasa, October 11, 2016

Hillary Clinton may arkayn oo waxay ku jeeday dadweynaha iyo kamaradaha, waxaanu isaga oo sidii qof dagaalamaya ama cadhadu taabatay u socda uu u soo dhaqaaqay dhinaceeda, laakiin markii uu wax yar u jiro ayuu istaagay, ficilka noocan oo kale ah ayaa ka wada yaabiyay taageerayaasha Trump iyo dadka sida wayn uga soo hor jeeda labadoodaba.

Donald Trump oo hadalkiisu mar walba muran ka dhaliyo dalka Maraykanka, waxa uu ku darsaday in xitaa ficiladiisa iyo dhaq dhaqaaqiisuna la mid noqdaan oo laga wada yaabo, sidaa waxa tidhi gabadh ka mid ah dadkii aragtidooda ka dhiibtay hab dhaqanadii layaabka lahaa ee Donald Trump.

Gabo gabadii markii xafladu dhamaatay, Donald Trump wuxuu degdeg ugu tagay, xaaskiisa iyo carruurta uu dhalay, halka Hllary Clinton ay salaam la dhex qaaday dadkii madasha ku sugnaa ee dooda ka soo qayb galay.

Xaaladan kala fog ee labada musharax ayaa fasiraad wayn laga bixiyay, waxaanay dadku isla wada qireen in Donald Trump sidii feedh yahan laga badiyay oo lagaga adkaaday dagaalka uu ehelkiisa degdeg ula fadhiistay, halka Hillary Clintona sidii qof musharax ah oo cod doonaya ay ka dhamaystiratay dhamaan waxyaabihii looga baahna oo dhan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.