WorldRemitAds

Washington DC, June 5, 2016 (Saxafi) – Haweenay Xubin ka ah aqalka Odayaasha ee ugu sarreeya Maraykanka ee Congress-ka ayaa xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay Barack Obama waxay ugu baaqday inay degdeg uga jawaabto eedaha loogu jeedinayo dawladda Maraykanka inay ka shaqaysiisay mid ka mid ah Madaaradeeda diyaaradaha kana hawl-galo Gacan-ku-dhiigle loo haysto inuu xasuuq u geystay dad reer Somaliland ah wakhtigii dawladdii Siyaad Barre ka talinaysay Somalia wixii laysku odhan jiray.

Haweenaydan oo la yidhaahdo Congresswoman Barbara Comstock (R-VA), ayaa hadal kooban oo ay shalay soo saartay waxay ugu baaqday Wasaaradda Ammaanka dalka Maraykanka (Deparment of Homeland Security) iyo dhammaan hay’adaha kale ee ku shaqo leh inay si dhab ah uga warbixiyaan wax ay ugu yeedhay eedaha culus ee loogu jeedinayo dawladda Maraykanka, shaqada dhinaca ammaanka ah ee Madaarka la yidhaahdo Dulles uu ka hayo ninka la yidhaaho Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo loo haysto xasuuqii dawladdii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre siddeetameeyadii kula kacday dadka reer Somaliland, isagoo ka mid ahaa saraakiishii milateri ee xasuuq isir-tir ah ka geystay deegaamo badan oo ku yaal Somaliland, kaas oo lagu laayey kumanaan kun oo shacabka reer Somaliland ah.

“Anigu waxaan ka dalbanayaa inay si buuxda uga warbixiyaan Waaxda Ammaanka Gudaha iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh, xaqiiqada ka dambaysa eedahan dhibaatada badan ah ee la xidhiidha arrintan.” Sidaas ayay Barbara Comstock ku tidhi warbixinteeda rasmiga ah ee ay soo saartay.

SomlegalAds

Arrintan ayay ka dambaysay kadib markii telefiishanka Caanka ah ee CNN uu baadhis iyo daba-gal ku samaysay Gacan-ku-dhiigle Yuusuf Tuke oo ka hawl-gelaya Madaarka Dulles oo ku yaal duleedka Magaalada Washigton, halkaas oo uu ka shaqeeyo hay’ad ama shirkad dhinaca ammaanka Madaarka ka hawl-gasha, kaas oo hore uga soo baxsaday dalka Kanada kadib markii halkaas loogu gudbiyey dacwado la xidhiidha xasuuqii dadka reer Somaliland ee uu qaybta weyn ka qaatay, isagoo wakhtigaas u soo baxsaday dalka Maraykanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.