Laascaanood, Somaliland, October 31, 2014 (Saxafi)-Wasiirka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle ayaa sheegay inay billaabayaan sahamin balaadhan oo biyo looga baadi-goobayo gobolka Sool, gaar ahaan magaaladda Laascaanood. Xuseen oo safar ku yimid Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool ayaa ku tilmaamay baahida biyood ee ka jirta gobolka inay tahay mid aad u weyn, isagoo xusay inay go’aansadeen inay dhaqaale ku bixiyaan sidii biyo loogu heli lahaa bulshada gobolka.

