WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 16, 2012, (Saxafi) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa shalay madaarka Hargeysa loogu taxaabay arrin u muuqata eed uu hore ugu jeediyay Xukuumadda.

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xadhiga Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-madow) oo ciidamada boolisku shalay ku qabteen Madaarka diyaaradaha Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe oo xadhiga boqor Cismaan ka hadlay ayaa sheegay in xadhigiisu ku yimid Waaran hore loogu jaray si loo xidho, wasaaradda Arrimaha gudaha iyo booliskuna fuliyeen waarankaasi oo ay xidheen.

SomlegalAds

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Daakhiliga Somaliland Cismaan Garaad Soofe, oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa ku dooday in aanay jirin wax cafis ah oo ay ogyihiin oo xukuumaddu u fidisay boqor Cismaan Aw Muxumed Buur-Madow, isla-markaana ay fuliyeen waaranka qabashada ah ee hore loogu gooyey.

Wasiirka oo ugu horeyn xaqiijinaya xadhiga Boqor Buur-madow ayaa yidhi “Haa arinkaasi wuu jiraa, boqorku markuu saaka (Shalay) ka soo degay Madaarka diyaaradaha Hargeysa, markaa iyadda oo uu hore u jiray waaran ah in boqorku marka uu dalka soo gallo la qabto ayaa boolisku fuliyey”

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Somaliland oo la waydiiyey sababta loo cuskaday xadhigiisa ayaa ku jawaabay “Wasaaradda arimaha gudaha iyo booliska oo is hoos yimaada waxay leeyihiin fulinta ah in qofka waaraan loo gooyo ay fuliyaan oo ay qabtaan sida maxkamadu fartay, haddii arintu tahay muxuu galay, taasi Maxkamada horteeda ayaa looga sheegi doonaa isaguna wuu is difaaci doonaa waxa loo soo jeediyo ee eedaymaha ah” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inuu maxkamada iskaga difaaci doono eedaymaha loo xidhay “Marka Maxkamadu waaraan goynayso dabcan waxbay cuskataa markaa way noqon karaan (eedaymihii u xukuumadda u jeedin jiray) wayna noqon karaan wax kale, laakiin wax walba waxay cadaanayaan marka iyadda oo qoraal ah la yidhaahdo waxa lagu haystaa waxaa iyo waxaa, markaa isaguna waa odey boqor ah oo muxtarim ah, isagaana Maxkamada iska difaaci doonaa, booliskuna si wanaagsan ayay ula dhaqmeen haddii ay tahay soo qabashadiisa iyo haddii ay tahay halka lagu hayo.”

Wasiir ku xigeenka oo la waydiiyey halka uu wakhtigan ku xidhan yahay iyo inuu heli doono xukun cadaalad ah ayaa ku jawaabay “Waxa uu ku xidhan yahay meel wanaagsan oo amni, cadaaladana wuu helayaa waayo dalku waa dimuqraadiyad” ayuu yidhi.

Boqor Buurmadow ayaa wararka qaar sheegeen in masuuliyiin xukuumadda ka mid ah uu la soo xidhiidhay, ka dib markii uu in muddo ah ku noolaa Imaaraadka Carabta isaga oo si ba’an u naqdiyi jiray xukuumadda, Islamarkaana dhowr jeer oo hore oo uu u soo jihaystay inuu dalka ku soo laabto u baaqday markii uu ka war-helay in loo diyaariyay ciidan Xabsiga geeya siddan shalayba dhacday.  Hase ahaatee, socdaalkiisan hadda ayaa la wariyay inuu ka danbeeyay, markii uu dabacsanaan kalla kulmay xubno ku jira dawladda sidda wararka qaar tilmaameen. Sidaas oo ay tahay ma jirto cid arrintan si faah-faahsan uga hadashay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.