WorldRemitAds

London, UK, July 14, 2018 (Saxafi) – Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii loogu qancin lahaa Madaxweynaha dalka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyaha maamul-goboleedka Puntland ee Cabdiweli Gaas iyo weliba Dawladda Federaalka Somalia, in wada-hadal lagu dhameeyo colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee daba ay ka riixayso Somalia.

Michael Ancram oo aqalka Sare ee Baarlamaanka ku fadhigay kursiga the Marquess of Lothian ee xisbiga Conservative, ayaa su’aal qoraal ah oo uu weydiiyay Wasiiru-dawlaha Barwaaqa-sooranka iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan UK, waxa uu wax kaga weydiiyay doorka ay Dawladda Ingiriisku kaga jirto damin colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo maamulka Puntland iyo wada-hadalka ay Qaramada Midoobay ku baaqday ee labada dhinac.

SomlegalAds

Wasiiru-dawlaha Barwaaqa-soorka iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan xukuumadda Britain Lord Ahmad, oo ka jawaabay su’aasha Mudanuhu soo weydiiyay ayaa yidhi:  “Dawladda UK waxay si aad ah ula socotaa xiisadda dhawaan ka dhex dhacday Somaliland iyo Puntlad. Safiirkayagu wuxuu sii wadaa dhiirigelinta Madaxweynaha Somaliland, hoggaamiyaha Puntland iyo Madaxweynaha Dawladda federaalka ah ee Somalia, uu ku dhiirigelinayo dhammaan hoggaamiyeyaasha dhiacyadani inay wada-hadal qorshaysan ka galaan arrinta, isla markaana ka foggaadaan wax kasta oo sii kordhin kara xiisadda ama dabka ku sii kordhin kara colaadda. Waxaanu si dhow ugala soconaa shuraakadayda caalamiga ah ee ay ka midka tahay Qaramada Midoobay, si aanu u hubino inay dhinacyadaasi u diyaar noqdaan inay ka jawaabaan codsi kasta oo dhinacyadaas uga yimaada ee la xidhiidha dhexdhexaadinta.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.