WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, July 12, 2018 (Saxafi) – Xooggag ka mid ah ururadda ka soo horjeedda maamulka Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo kooxo taageerra ayaa shalay buuq koobani ku dhexmaray magaallada Addis Ababa ee xartunta dalka Ethiopia.

Garabkan oo la baxay Golaha Badbaadadda & Midnimadda Soomaalidda. Ayaa goobta ay ku shirayeen shalay buuq ka dhacay, islamarkaana ay isku dayeen inay joojiyaan qaar ka mid ah taageerayaasha Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Ethiopia, hase ahaatee, ciidamada amaanka ayaa la wariyay inay xaalladda amaanka gacanta ku dhigeen, islamarkaana xaaladda deganaan ku soo celiyeen.

SomlegalAds

Kooxaha taageersan madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu magacaabo Dhallinyaradda Heeggo ayaa iyagu shabakaddaha bulshadda ku baahinayay shalay illaa xalay in kullankaasi fashilmay, Iyaggoo kooxda shirka waddayna ugu yeedhay magafayaal. Waxaana ay ku doodeen in xabsiga qaar badan oo ka mid ah la dhigay, Islamarkaana inta hadhay loogu baaqay inay ka baxaan caasimadda. Laakiin, tan badalkeedda, kooxaha shirka waday ayaa sheegay in shirkooddu ugu dhacay guul. Waxaana ay soo bandhigeen war murtiyeed laga soo saaray oo u dhignaa sidan.: “:XAALADDA GUUD EE DEEGAANKA

Xooggag Ka Soo Horjeeda Hoggaanka Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia Iyo Taageerayaashiisa Oo Isku Hirdiyay Addis Ababa1. Waxaa dhamaan burbur iyo halis galay haykal kii iyo sharaftii dawladnimmo.

2. Waxaa lagu xad gudbay lana jabiyey dastuurkii iyo sharuucdii wadanka iyo deegaankaba. Waxaa luntay sarayntii sharciga iyo xuquudii aas aasiga ee muwaadiniinta ku nool deegaanka Soomaalida dastuurku siiyey sidoo waxaa lagu tuntay xuquuqihii aas-aasiga ahaa ee dastuurka ku sugnaa.

3. Laamihii dawlada sida fulinta, sharci dajinta iyo gaarsoorku waxay noqdeen mid hal meel isug timaada, Hanaankii dawladu wuxuu isu badalay nidaam kali talis, oo lidi ku ah shacabka iyo danihii loo igmaday.

4. Xukuumadda iyo deegaanka waxaa ku baahay musuq bilaa xuduud ah, ku tagri fal awoodeed, taasi oo khayraadkii iyo hantidii dawlada sidii iyo habkii la doono loo isticmaalo.

5. Waxaa meesha ka baxay in si sinaan iyo cadaalada ah beelaha deegaanku horumarka iyo khayraadka deegaanka uga faa’iidaystaan, iyo hanaankii qaybsiga matalaada deegaanka.

CANBAAREYN

1. Waxaan canbaaraynaynaa dhibaatooyinka iyo tacadiyada sida joogtada ah loogu gaysanayo shacab waynaha deegaanka Soomaalida, sida dilka foosha xun, xidhayga sharci darada ah, kufsiga, dhaqan xumada iyo akhlaaq xumada ay masuulka ka tahay xukuumadii iyaga matali lahayd.

2. Waxaan can baaraynaynaa fahan la’aanta siyaasadeed ee xukuumada hada deeganka ka arrimisaa ay ka qabto siyaasada cafiska iyo is jaclaanshaha ku dhisan. Hada oo guud ahaan Itoobiya boogihii la wada dhayayo xukuumada deegaankuna si dibu dhac ah ayey dhibaatooyin cusub & Dhagar hor leh ay u maleegayso.

3. Waxaan canbaaraynaynaa isku dhacyada iyo dagaalada ujeedo la aanta ah, ee uu ka danbeeyo qaabdhismeedka dawlada, ee sababay daadashada dhiiga shacabka, Sida dagaalada labada shacab ee walaalaha ah ee Oromada iyo Soomaalida, iyo sidoo kale Qabaa’ilka Somaaliyeed dhexdooda Ee colaada Iyo necbaanshaha Dhexdooda Laga Hurinayo.

4. Waxaan can baaraynaynaa isku day kasta oo lid ku ah kana soo horjeeda is badalada siyaasadeed iyo kuwa dhaqan dhaqaale ee xukumada Dr: Abiye Ahmed wado. Ee ay wadaan ururada ama shaqsiyaadka aan jeclayn sinaanta iyo wada noolaanshaha shacab waynaha Itoobiya.

5. Waxaan canbaaraynaynaa isku daygii gii fulay nimada ahaa ee lagu beeg saday shacab waynihii taageerada u muujiyey is badalka uu wado Dr: Abdi. Tacsina u diraynaa eheladii iyo dadkii wax yeeladu ka soo gaadhay.

6. Waxaan canbaaraynaynaa in dawlada federaalka laamaheeda kala duwan ay gudan waayeen waajibaadkii ka saaraa inay bad baadiyaan xuquuqda muwaadiniinta deeganka, ilaa ay waayeen xaquuqihii muwaadiniinta Uu dastuurka dalku siiyey. Taasi oon leenahay dawlada federaalku way ku fashilan tahay waajibaad kii saarana kama soo bixin.

Xooggag Ka Soo Horjeeda Hoggaanka Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia Iyo Taageerayaashiisa Oo Isku Hirdiyay Addis AbabaTAAGEERO & BALLAN QAAD

1. Anaga oo ah Golaha Badbaadada Soomaalida, oo ka kooban odayaal dhaqameedkii, siyaasiyiintii, Bar baartii, aqoon yahankii, dulmid diidkii gudaha iyo dibadaba waxaan balan qaadaynaa in aan horumarka iyo nabad galyada deegaanka ilaalino, is badalka deegaanka ka dhacaana horseedi doono nabad galyo taama Iyo in aan khilaafaadka dadka walaalaha Ah Ee Oromada iyo Somaalida iyo Qoomiyadaha kaleba ku xalin doono dhaqan kii soo jireenka ahaa ee wada noolaansha salka ku hayay

2. Waxaan si wayn u taageeraynaa guud ahaan is badalka siyaasadeed ee ka socda dalka ee uu hormoodka u yahay Dr: Abiye Ahmed, oo aan hiil iyo hoob la garab Is-taaganaya. Waxaan taageeraynaa talaabooyinka caafimaadka qaba ee uu sadex dii bilood ee uu joogay qaaday Raisal wasaaruhu.

3. Waxaan taageeraynaa Nabadeynta dibada iyo gudaha Ee qoomiyadaha dalka ee uu Raisal wasaaruhu ku talaab saday. Iyo wada noolaansha shacab waynaha Itoobiya!

BAAQ

1. Waxaan ugu baaqaynaa xukuumada iyo xisbiga deegaanka ka taliyaa inay is casilaan, maadaama oo ay ka leexdeen hadafkii iyo ujeedadii loo Igmaday

2. Anagoo u mahad celinayna shacab waynaha itoobiya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaalida, ayaan waxaan ugu baaqaynaa shacabka Itoobiyaa inay taageeraan isbadalka uu shacabka Soomaalidu u ooman yahay, iyo dadaalkan bilowga ah ee uu Golaha Badbaadadda Soomaalidu Wado hada.

3. Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan shacab waynaha deegaanka Soomaalida inay u midoobaan baadi goobka xuquud dooda dastuuriga ahayd Ee Luntay Inay Dib u hantaan Kana dheeraadaan wax kasta oo keenaya isku dhac gudahooda ah iyo wada noolaansha walaalahooda kale ee Itoobiya

4. Waxaan hogaanka dalka, hayada garsoorka iyo laamaha amniga ee dalka ugu baaqaynaa inay talaabo cad ka qadaadaan xad gudub yada foosaha xun ee ka dhacay deegaanka, dhaca, dilka, boobka, kufsiga, iyo maarayn xumada hantida shacabka.

5. Waxaan ku baaqaynaa in si deg deg ah loo joojiyo ka ganacsiga dhiiga dadka walaalaha ah Soomaalida iyo Oromada, iyo sidoo kale Soomaalida iyo Canfarta, ee ay fuliynayaan qaab dhismeedka dawliga ah. Waxaan ku baaqaynaa in dawlada federaalku sharciga horkeento cidii hawshaas ku lug lahayd, sababtayna barakaca iyo dhiiga shacabka.

6. Waxaan ugu baaqaynaa in la siidaayo xoriyadoodiina loo soo celiya dhamaan maxaabiista deeganka Soomaalida, ee sida cadaaalad darada ah ugu xidhan uguna dhibaataysan jeelasha deegaanka. Waxaan sidoo kalena ugu baaqaynaa in Dawlada federaalkuna baadhitaan dheeraada ka gaysato tacadiyada lagula kacay maxaabiista deegaanka, isla markaana xaqiijiso in go’aankii cafiska ee dawlada federaalku deegaanka Soomaalidda ka fulay & in kale.

7. Waxaan ugu baaqaynaa shacab waynaha Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka soo qayb galaan shirwaynaha wada tashiga ee Diridhaba. Waxaan si gaara ugu baaqaynaa Garaadada, Suldaanada, Maqlaaqyada, Wabarada, aqoon-yahanka, indheer-garadka, Xubnaha Xisbiga, xubnaha Baarlamaanka federaalka Soomaalida, Qurba joogta deegaanka inay ka soo qayb galaan shir waynaha wada tashiga. Sidoo kalena taageeraan Golaha Badbaadadda.

8. Waxaan ugu baaqaynaa dawlada federaalka, gaar ahaan laamaha amnigu taageeraan Golaha Badbaadadda Soomaalida, si u soo celiyaan taladii deegaanka iyo cadaaladii shacabka Ee naga lunsanayd”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.