WorldRemitAds

Ceel Af Weyn, Somaliland, July 14, 2018 (Saxafi) – Ergooyinka Dhexdhexaadinta laba Beelood oo dhawr jeer ku dagaalamay Degmadda Ceel-Afweyn ayaa buux dhaafiyay Magaaladaasi.

Colaadan oo daminteeda ay ergadu uga kala timid guud ahaanba deegaanadda Somaliland ayaa lagu wadaa in Maanta si toos ah loo guddo galo iyada oo la isa soo hor fadhiisin doono Waxgaradka labada Beelood ee iyagu wax kala tirsanaya.

SomlegalAds

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland, Haldoorka culimada, madax dhaqameed, wasiiro iyo madaxda Axsaabta siyaasada ayaa ka mid ah dadka iyagu ergada ka ah nabada ka dhalata halkaasi, waxaanay hore u soo saareen qodobo ay ku damacsan yihiin in ay u fure u noqdeen heshiiska ay ka dhex wadaan labadaasi beelood oo walaalo ah isla markaana muddo dheer halkaasi wada deganaa.

Intii ay colaadu halkaasi ka jirtay waxa ku dhintay dad door ah, waxaana sidoo klale ku dhaawacmay tiro kale, hase yeeshee Xukuumadda Talada haysa ayaa markan guntiga u xidhatay sidii ay nabad u dhex dhigi lahayd labadaasi beelood.

Waxaana loo balansan yahay in maanta si toos ah loo guddo galo hawshii ugu balaadhnayd uu fure u noqon doonta daminta colaadaasi soo noqnoqotay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.