WorldRemitAds

Kismanyo, Somalia, July 14, 2018 (Saxafi) – Jahawareerka ka taagan Somalia ayaa waxaa u dambeeyay, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay garoonka magaalada Kismaayo ku cadeeyay in madaarka ay ka celiyeen wafti uu hoggaaminayo taliye ciidan oo cusub oo loo soo magacaabay ciidamada xerada 43-aad ee federaalka ee qaabilsan gobolada Jubbooyinka.

Arrintan ayaa loo arkay mid muujinaysa wada shaqayn la’aan u dhaxaysa maamullada Federaalka iyo dawladda dhexe ee Somalia.

SomlegalAds

Taliyahan cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamada guutada 43-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo waxaa hadda taliye ka ah Jeneraal Ismaaciil Saxardiid.

Jeneraal Bagmadoow oo hore uga tirsanaan jirey ciidamada dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.

Sida ku cad qoraalka kusoo baxay bogga Jubbaland, soo magacaabista taliyaha ayaanan waafaqsanayn sida uu nidaamka ahaa, waxaana la yidhi “Dowladda federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska, heshiiskaas qodobkiisa 20aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada, qodobka ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya kusoo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay la tashi kala sameyso madaxweyna Dawlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka la soo magacaabayo”.

Qoraalka ayaa waxaa intaas lagu sii daray “Dowladda federaalku may sameyn wax talo ahna kama ay weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka (Shalay) diyaaraduu Xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43aad ee XDS Gen .Cali Bogamdow”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.