WorldRemitAds

“Shirkadaha iyo iskaashatooyinku waa inay Barri (Maanta) iskugu yimaadaan hoolka dawladda hoose ee Hargeysa oo ay ku soo talagalaan mid waliba waxaa ay tarayso shacabka” Cabdicasiis Cago weyne

Hargeysa, Somaliland, November 27, 2016 (Saxafi) – Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa, Cabdicasiis Maxamuud Xaashi (Cago weyne) ayaa ganacsatadda reer Hargeysa ugu baaqay inay ka qaybqaataan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen ee reer Somaliland.

Sidoo kale, maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, Cagoweyne waxa uu sheegay in degmadda 26 June iyo Gacan libaax ay ka bilaabmayaan numbaraantii guryaha lagu samaynayey, isla markaana dadweynaha caasimadda waxaa uu u jeediyay inay u diyaar garoobaan.

SomlegalAds

Sidoo kale, waxa iyaguna baaqaasi qaybtoodda qaatay sideedda gudoomiye degmo ee caasimadda oo dhamaantood dadweynaha u soo jeediyey inay ka qaybqaataan taakulaynta dadka abaaruhu saameeyaan iyo  mulkiilayaasha guryuhu faylashadoodda diyaarsaddan maadaama oo guri kasta lagu dhajinayo numbaro lagu garto guryaha.

Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, Cabdicasiis Maxamuud Xaashi Cago weyne oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waa in caasimadu lahaateen numbaro oo guri kasta lagu dhajinayo numar u gaar ah si loo garto, caalamka guri kasta numbar loogu soo hagaago ama haddii waraaq loo soo dirayo loogu soo hagaajiyo ayaa jirta tii baanu samaynayaa”

Mar kale oo uu ka hadlayey ganacsatadda reer Hargeysa oo uu sheegay in aanay wali ka qaybqaatan gurmadka loogu jiro taakulaynta dadka abaaruhu ku dhaceen, waxaanu yidhi “dhamaan shirkadaha ka hawlgala caasimada Somaliland waaa inay ka qaybqaataan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu dhibaateeyeen, waanu ognahay shirkaddaha bixiyey iyo kuwo aan bixin,Shirkad kasta muwaadinimadeedda iyo sida wax looga iibsan doonaa waxay ku xidhnaan doonta sida uga qaybqaato gurmadka loogu jiro abaaraha, waxaana siin doonno shahaadooyin iyo abaalmarino lagu kala cadaynayo kuwo dadkoodda caawiyey iyo kale, waxaan leeyahay iskaashatooyinka caasimadda ka shaqeeya haddii ay yihiin  sariibadaha, haddii ay yihiin iskaashatooyinka Basaska, haday yihiin iskaashatoyinka khudradleyda, dhamaan iskaashatoyinka ka hawlgala caasimadda heer kasta oo ay leeyihiin waa inay Barritoole (Maanta) yimaadaan hoolka dawladda hoose, iyadoo iskaashato waliba ay kaga soo qaybgalayso waxay u tarayso dadka abaaruhu saameeyeen”.

Sidoo kale, gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa dagmooyinka ay madaxdda u yihiin faray inay ka qaybqaataan oo wax ku darsadaan dadkaasi soo barakacay ee dhulkooddii ka yimid si wax loo tari lahaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.