WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 27, 2016 (Saxafi) – Waxa deegaanadda Somaliland qaar ka mid ah laga soo sheegayaa inuu ka Da’ay Roob biyo dhigay, kuwaas oo maansheeyey dhulkii boodhku ka duulaayey ee jiilaalka darteed looga guuray.

Deegaanadda roobku helay waxa ka mid ah magaaladda Hargeysa oo habeen hore uu helay roob shuux ahi, deegaanadda Sallaxley hoos yimaada, degmadda Allabaday,  Wajaale, Magaalo cad, Saylac iyo deegaano ka tirsan gobolka Awdal,  waxa kale oo roob ku ka da’ay deegaanadda dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya barigeedda gaar ahaan degmadda Xarshin oo la sheegay inuu roob lagu diirsaday ka da’ay.

Magaaladda Hargeysa saaka waxa cirka daboolay daruuro biyeysan oo qoraxdii falaadheheeddii tooska ugu soo dhacaysay dhulka ka xijaabtay, waxaana goor kasta la filan kara inuu roobku da’o maadaama oo daruurtu ay qarisay cirka.

SomlegalAds

Dadkii reer guuraa ah ee xooluhu ka dhamaadeen ee qoysaskii kala lumeen ayaa u muuqdo inay daruuraha rooban ee cirka daboolay inay nageeyaan, isla markaana reerihii hayaanka ku jiray ee meelo ka fog deegaankoodda u socday inay daruurahan dajin doonaan, maadaama oo maalmihii hore aanay jirin daruur iyo wax u muuqda inuu roob soo socdo.

Abaartan sandkan dhacday ayaa ahayd mid aad u xanuun badan oo marka muuqaaladda laga soo duubay daawato murago iyo naxdin kugu beerayey, iyadoo xoolihii raqdoodddu wadhan tahay dhul badan, isla markaana ay jiraan caruuro guryo cidda lah laga cararay oo xoolihii intii ku hadhay qof waliba meesha uu islahaa daaq baad ka helaysa usii cararay.

Abaartan ayaa dadka waaweyn sheegeen in abaartan oo kale muddo dheer aanay arag, isla markaana qoysas faro badan ay xoolihii ka laysay, inkastoo roobka marka uu yimaadanna xoolihii oo itaal dareeyey wax badan roobku laayo.

Waxa loo diyaar garoobayaa in xoolaha yar ee dadkii reer guuraa ah ku soo hadho looga badbaadin lahaa in roobku inta u hadhay ka laayo, maadaama oo marka abuurtu raagto roobka yimaadda xoolo badan u dhintaan.

Si kastaba ha ahaatee, ducooyinkii iyo alla barigii faraha badnaa ee gacmaha cirka loo taagay ayuu illaahay ugu naxariistay adoomihiisa, waxaana meelo badan laga soo sheegayaa Roob qaboojiyey dhulkii omoska iyo boodhku ka duulayey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.