WorldRemitAds

Burco, Somaliland, November 27, 2016 (Saxafi) – Weftigii Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee mudada sideeda maalmood ah ku guda jiray socdaalkoodii Tabantaabo, ayaa shalay ka soo kicitimay magaalada Ceerigaabo oo ay laba habeen u dhexeen weftiga Madaxweynuhu, isaga oo dib ugu soo laabtay Togdheer.

dsc_0004Weftigu intii ay socdaalka ku jireen Madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray hawsha baaxada leh ee ka socota wadada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo loona bixiyey Siillaanyo Road sida war saxaafadeedka madaxtooyadda lagu sheegay, waxaana uu intaas ku daray warsaxaafadeedku oo lagu yidhi. “Geesta kale madaxweynuhu waxa uu soo dhawayn miisaan leh kala kulmay shacbiga ku dhaqan deegaamada Yufle, Ceel-afweyn, Fadhigaab, Gar-adag, War-idaad, Xayira iyo dhamaan tulooyinka  u dhexeeya Togdheer, Sanaag iyo Saraar, oo dadka ku sugani ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen soo dhawayn muq iyo miisaan leh, isaga oo madaxweynuhu u jeediyey khudbado kala duwan dadka una duceeyey in Alle abaarta ka soo furto oo raxmad khayr qabta u shubo.

Madaxweynaha oo shacbiga ku dhaqan Gar-adag ay u sameeyeen hadhimo sharafeed ayaa qadada ka dib u soo dheemaalay dhinaca War-idaad oo uu madaxweynuhu xog waran ka dhegeystay dadka ku dhaqan halkaasi una sheegay ujeedada safarka weftiga uu gadhwadeenka ka hayey, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay dugsi Boodhin ah oo loo dhisayo magaalada Xayira, kaas oo loogu magac daray Mujaahid Cabdilaahi Cali Suufi oo ka mid ahaa halgamayaashii dalkan u soo halgamay.

SomlegalAds

Ugu dambayntii waxay  weftigii madaxweynuhu soo gaadheen magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, waxaana laamiyada magaalada isugu soo baxay oo ka qayb qaatay soo dhawaynta madaxweynaha shacbigi aad u tiro badan, halka maamulka heer gobol iyo heer degmo oo ay weheliyaan madax-dhaqameed, waxgarad, waayeel, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwanina ay kaga horyimaadeen duleedka magaalada una soo gelbiyeen dhinaca guriga martida ee Burco oo uu madaxweynuhu xalay ku soo degay.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.