WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 27, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland  Axmed Faarax Caddare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay maxbuus la sheegay inuu isku dhex deldelay xabsiga magaaladda Berbera.

Wasiir Cadarre ayaa maxbuuskaasi is deldelay uu ahaa nin ka xanuunsanayey maskaxdda, waxaanu la masaal dhigay dadka maalin walba dhinta oo kale.

Wasiir Axmed Faarax Caddarre oo ka hadlaya maxbuuskkaasi is daldalay, waxaanu yidhi “Wuxuu ahaa maxbuus madaxa ka xanuunsanaya oo arrimo caafimaad bay ahayd, baadhitaankuna wuu socdsa, oo maxaabiista gaar looga dhigay maxaabiista kale ayuu ahaa”.

SomlegalAds

Wasiirka oo la waydiiyey xaaladda maxaabiista ka jirta iyo sida wasaaradda Cadaaladdu uga hawl gasho qaabka uu yahay, waxaanu yidhi “Maxaabiista waa caalamka oo dhan way dulmanyihin oo qof xoriyaddii laga qaatay isagoo dambi galay horta wax u dhimani ma jirto, laakiin mujtamaca si loo badbaadiyo inta caafimaadka qabta loona badbaadiyo inta wanaagsan qofkii dambi galla sharcigu waa in dadka laga qabto, qofkii qof dilay in loo dillo, marka wax maxaabiista u gaar ah maaha waayo maalin walba qof baa dhinta, qof baa meel iska soo tuuro waa sunno nolosha ah jeel ha ku jiro ama banaanka ha joogee, marka ma odhan karno wuxuu ilaahay sababay muxuu u dhintay, laakiin inta daryeel aynu awood u leenahay waa waajib na saaran weeyaan, jeelashii wax baanu ka bedelaynaa, dadka qaar baa iskood isku dira oo timaha ka xiira”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.