WorldRemitAds

Brussels, Belgium November 27, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland iyo mudaneyaal ka tirsan aqalka baarlamaanka Midowga Yurub oo ay kaashanaya khubaro caalami ah iyo garyaaqaano khibrad u leh diyaarinta qaraar sharci oo ku saabsan yahay qaadiyaada madax-bananida Somaliland ayaa la sheegay inay hor gayn doonaan aqalka baarlamanka Yurub qaraar.

 Guddi hoosaadka aqalka midowga Yurub ee dhinaca Horumarinta iyo arrimaha dibadda u qaabilsan ayaa kulan ku saabsan gorfeynta qaraarkan yeeshay bishan November badhtamaheeddii.

War-saxafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka shirkada Anglo-Somaliland Resources Ltd, Ian Fenwick oo dhinac ka ah diyaarinta qaraarka la filayo in la horgeeyo aqalka baarlamaanka Midowga Yurub kuna saabsan qadiyada Somaliland sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ayaa sheegay in kulan ay yeesheen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo masuuliyiinta shirkada Anglo-Somaliland resources ltd iyo garyaaqanada, kuwaas oo qorshayanayey dejinta iyo gorfeynta istraatijiyada ay u wajihi doonaan qaraarkaasi iyo mooshinkaasi loo gudbinayo midowga Yurub.

SomlegalAds

Mudaneyaasha aqalka Midowga Yurub ee ka soo jeeda dalka Ingiriiska ayaa sanado badan kaga doodi jirey aqalka barlaamanka Midwoga Yurub qadiyada madaxbanaanidda Somaliland. xidhiidh la samaynay afhayeenka shirkada Anglo-Somaliland Resources ltd Ian Fenwick ayaa inoo xaqijiyey qorshahan, in kastoo uu ka cudur daartay inuu faahfaahin ka bixiyo, isaga oo sheegay in aanu ka hor dhacayn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.