WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 27, 2016 (Saxafi) – Ciidamadda booliska ee degmadda Faroweyne oo u dhow xuduudda ay Somaliland la wadaagto Dalka Itoobiya ayaa soo qabtay Gaadhi ay saarnaayeen sideed askari oo ka tirsan ciidanka dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya ee Liyuu booliska loo yaqaan, kuwaas oo ku soo xadgudbey gudaha Somaliland.

Markii ciidanka degmadda Faroweyne soo qabteen askartan liyuu booliska ayaa wariye ka tirsan wargeyska Saxafi waxaa uu kulla kulmay wadadda laamidda ah ee galbeedka uga baxda Hargeysa, waxaanu sheegay in ciidankaasi soo qabtay uu hogaaminayey taliye ku xigeenka booliska degmaddu.

taliye-ku-xigeenka-booliskaWaxaana uu warbixin uu ka diyaariyay u dhigay sidan. “Taliye ku xigeenku waxaa uu waday gaadhigan lagu soo qabtay ciidanka liyuu booliska ah, waxa kale oo askarta maxaabiista ahi saarnaayeen gaadhi Mark two ah oo jaad ka keenna degmadda Faroweyne, iyadoo askarta la socotayna ay koobnaayeen.

SomlegalAds

Gaadhigan askarta liyuu booliska ahi la socdeen ayaa  ahaa Landcruiser Pickup ah oo cusub. xagga hore ayuu numbar itoobiyaan ah ku lahaa, inkastoonu xagga dambe aanu ku lahayn.

Waxaan soo daba-galay maxaabiistan askarta ah oo aan soo daba socday illaa intii xarunta dambi baadhista ee C.I.D lagu xidhayey, halkaasi oo loogu sii diyaar garoobay oo ay sii joogeen askar diyaar ah, iyagoo gudaha loo galiyey xarunta halkaasi lagu dajiyey maxaabiistii oo la socotay gaadhiga jaadka ah ee Mark two-ga ahaa iyo gaadhigan Landcruiser Pickup-ka ah oo labadda gaadhi ay askar xoog u ilaalinaysey la socdeen.

Qaabkee loo qabtay ciidanka Liyuu booliska kililka shanaad Itoobiya

Dadka deegaanka ee magaaladda Faroweyne oo aanu la xidhiidhnay ayaa nooga waramay qaabka loo soo qabtay, waxaanay wargeyska Saxafi u xaqiijiyeen in gaadhigan ciidanka liyuu booliska ahi la socdeen oo hawlo u socday gudaha u soo galey xadka Somaliland, ka dibna soo noqodkii iyagoon laga war hayn ay si toos ah iskaga yimaadeen magaaladda dhexdoodda, ka dibna ku hakadeen sidii ay joogaan dhulkooddii oo kale, taasina ay keentay in markiiba si dhib yar loo qabto, waxaanay ciidankii booliska ee  magaaladda ay markiiba ku amreen inay qoryaha dhigaan sidaas ayaa lagu soo qabtay iyadoo aan wax khasaare ahi dhicin.

Ciidanka la soo qabtay ayaa u muuqday kuwo aan deegaanka kala garanayn, isla markaana aan ahayn ciidankii Liyuu booliska ee deegaanadda u dhow ka shaqeynayay, balse dadku waxay sheegeen inay u muuqdeen kuwo ka yimid goboladda kale oo aan deegaanka si fiican u kala garanayn.

Askartaa Liyuu boolisku muxuu taliye ku xigeenka boolisku ka yidhi

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ka hadlaya askartan Liyuu booliska ah ee la qabtay waxa uu yidhi “Todobadii subaxnimo ee shalay ayaa Ciidanka Liyuu booliska Itoobiya oo uu nin kabtan ahi wato oo tiradoodu tahay sideed qof ayaa gudaha usoo galay xuduuddeenna, waxaanay ku socdeen xawaare sare, markii aanu qabanayna gaadhigan iyo ciidankii la socday waxay noo sheegeen inay gaadhi eryeynayeen, waxaanay ku soo xadgudbeen xuduudda Somaliland, ciidanka booliska ee degmadda Faroweyne ayaa nala soo xidhiidhay, dhamaantoodna gacanta ayaa lagu wada dhigay sidaas ayaana Hargeysa loogu soo gudbiyey ”

Taliyuhu wuxuu sheegay in siideyntoodda ay ka wada hadleen safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo uu sheegay inay ku wargaliyeen in aanay dib u dhicin in ciidan iska soo galo xuduudaha.

“Safaaradda Itoobiya iyo inaga xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya, waxaanan gallay wada hadal waxaanan u sheegay khaladaadka ay galeen in aan xuduudda sharci daro lagu soo gali Karin, labadda ciidan ee xududda kala jooga in wixii jira ay isa soo ogaysiiya haddii ay wax ka soo gudbaan waa in hadba ciidanka wax doonayaa ciidanka kale soo ogaysiiyaa oo yidhaahda xadkeena waxaasi ayaa soo galle soo qabta, balse waa in aan la iska soo galin, waxaana ciidankaasi u galbinay dhinaca Wajaale oo gaadhigoodii iyo hubkoodiiba ka talaabinay ” “Tani, waxay tusaale u tahay in aan la isku soo xadgudbin, wixii dhankayaga u soo talaaba anagaa qabanayna, wixii dhankooda u talaaba ee aanu raadinaynana waa in ay iyagu inoo soo qabtaan, marka waa in aan la iska soo galin xuduudda, imika dhibtii dhici lahayd waanu yarayna waayo laba ciidan baa iska hor yimid, waxaana ku dadaalnay in aanu khasaare iman oo iyagoo bad qaba la qabto “ayuu yidhi Fooxle.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.