WorldRemitAds

Kases, Uganda, November 28, 2016 (Saxafi) – Ugu yaraan 55-qof, ayaa lagu dilay iska-horimaad dhexmaray ciidamada booliiska Uganda iyo koox doonaysay inay sameysato Jamhuuriyad u gaar ah, sida uu sheegay afhayeenka Booliiska dalka Uganda.

Inta badan Qalalaashan, ayaa ka dhacday xafiisyada boqor deegaan oo ku sugan magaalada Kasese ee Galbeedlka Dalka Uganda, halkaasoo la geeyay ciidammo badan oo booliis ah si ay uga hor-tagaan koox hubeysan oo dadka deegaanku ay ugu yeeraan Kirumira Mutima.

Sidoo kale, Afhayeen booliiska Uganda, Andrew Felix Kaweesi, ayaa sheegay in Dagaal-yahannadan ay ahaayeen kuwo aad u Tababbaran, isla markaana Qaabeysan, lamana oga inta ay la eg-tahay tiradooda.

SomlegalAds

Afhayeenka Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah kooxda hubeysani ay isku qarinayaan guriga boqorka deegaanka oo lagu magacaabo Omusinga Charles Mumbere.

Dhanka kale, Sarkaal u hadlay kooxda dagaalka la galay ciidamada ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan cid walba oo doonaysa inay deegaannadeena nagu soo weeraraan, kuwaas oo uu ula jeeday ciidamada Dowladda Uganda.

“Waxaa naga go’an inaan iska difaacno cid walba oo doonaysa inay Deegaannadeena nagu soo weerarto, waana jabin doonnaa kooxahan dhibaatooyinka wada,” ayuu yidhi sarkaalka u hadlay kooxda mucaaradka ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka lagu dilay iska-horimaadkan, ayaa la sheegay inay isugu jireen; 14 ka tirsan ciidanka booliiska iyo 41 ka tirsan kooxaha hubeysan ee iska-hor-imaadka la galay ciidamada.

Qalalaasahan oo dhacay Sabti, ayay wararku sheegayaan in weli ay Xiisad ka dhex-taagan tahay Dowladda iyo boqortooyada yar, halkaasoo dadka ay u arkaan in laga tagay.

Ugu dambeyntii, Boqorka ayaa lagu eedeeyay in uu kooxda taageerayo kuwaas oo doonaya inay ka sameystaan Maamul cusub oo u gaar ah xadka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu la Wadaago Dalka Uganda. Inkastoo Boqorku uu beeniyay eedaha ay Dowladdu u qorsheysan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.