WorldRemitAds

Burco, Somaliland, November 28, 2016 (Saxafi) – Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminaayey oo maalintii sagaalaad ku guda jira socdalkii la magac baxay Tabantaabo ee xaalada abaarta la xidhiidhay ayaa magaalo Madaxda Togdheer ee Burco shalay kulan kula qaatay odayaasha, aqoonyahanka, xildhibaanada iyo waxgaradka gobolka qaar ka mid ah oo ay ka wada hadleen xaalada guud iyo gaar ahaaneed ee gobolku ku sugan yahay, waxaanu kulankaasi ahaa mid ku dhamaaday is fahan iyo guul.

dsc_0612Markii kulankaasi dhamaaday madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray wado laami ah oo dawlada hoose ee Burco ka hirgelisay gudaha magaalada.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu deeq raashin kala duwan ah oo ka kooban shan gaadhi oo xamuul ah, una dhiganta 1,500 oo qoys, kala wareegay Maayarka maayarada Degmooyinka Somaliland ama Maayarka Caasimada Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo hogaaminayey maayarada Dalka oo shirkii maayaradu uga socdo magaalo madaxda labaad ee dalka ee Burco, deeqdaasi oo ay soo ururiyeen maayarada Degmooyinka Berbera, Gabiley, iyo Hargeysa, madaxweynuhuna uu ku sii wareejiyey  Maayarada degmooyinka abaartu saamaysay ee uu kormeerka ku soo maray.

SomlegalAds

Madaxweynuhu Intii uu ku gudo jiray mashaariicdaa kala duwan ee uu suuqyada magaalada dhex marayey waxa isugu soo baxay shacbiga ku dhaqan Burco oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey gacmo furan iyo farxad ay ku dhehnaayeen dheero dhiirigelin u ah madaxweynaha iyo xukuumadiisu. Weftiga madaxweynuhuna waxay soo kicitimeen dhinaca gobolka saaxil oo ay xalay u hoydeen ka dib markii daadad xoogani ay soo rogmadeen kala xidheena isu socodka Berbera iyo Hargeysa, taas oo bilow u ah raxmaad khayr qaba oo ka curtay dalka qaybo ka mida, waana wax Alle loogu mahadiyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.