WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 28, 2016 (Saxafi) – Wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland ayaa shalay soo bandhigtay mashruuc loogu tallo galay in lagu xidhiidhiyo wasaaraadaha dawlada iyo shirarka Caalamka oo uu Maal-Galinayo Baanka Aduunku.

Mashruucan ayaa ugu horayn waxa lagu Tijaabin Doonaa Wasaaradaha Boosaha, madaxtooyada, Maaliyada iyo Ganacsiga, taas oo loogu tallo galay In Maqal iyo muuqaal ay kula xidhiidhaan Wasaaradaha caalamka oo ah hab casri ah oo iyagoo magaaladda Hargeysa jooga ay shirarka caalamka ka dhacaya kaga qaybgali karaan, habkan casriga ee maqal iyo muuqaalka ah oo ay fulin doonto Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiintu.

Wasiirka Boosaha Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige oo isagu Daah Furay Mashruucani oo ay bixin doonaan shirkadaha Internetka, oo qandaraas ahaan loo soo bandhigay shirkadda bixin karta Internet xawaare sare ah, waxaana goob joog ka ahaa shirkadaha ka soo qaybgallay qandaraas ee doonaya inay bixiyaan mashruucan isgaadhsiinta ee wasaaradaha dawladda.

SomlegalAds

Agaasimaha Guud ee wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimada uu leeyahay mashruucani, waxaana uu ka sheekeeyay faa’iddooyinka ku duugan ee keenay in baahi loo qabo mashruucani Qandaraas ahaan loo soo bandhigo shirkadaha bixiya adeegga Internetka ah, waxaanu yidhi “Runtii Maanta Farxad ayay Noo tahay Inaad nagala soo qayb gashaan munaasibadan oo ku saabsan furitaanka Bidh ama tartan ay shirkaduhu u gali doonaan afar xafiis Oo Xidhiidhka Xafiisyada ah, Taas oo qala-bayntiisa iyo internaydkiisaba si buuxda loogu xidhi  doono, runtiina tartankaas waxa hagi doonta wasaarada boosta iyo isgaadhsiinta Somaliland,waxaana maalgalin dooona Baniga Aduunka.”  “Mashruucani waxa uu ka koobnaan doonaa qalab lagu xidhi doono wasaaradaha dawlada,waxaana ay qalabkani kuwada xidhiidhi doona wasaaradaha dalka,waxana ku xidhnaan doona oo iyaguna ku jira interned Toban Mb Ah oo sanad iyo sideed bilood la bixin doona Lacagtiisa, mashruucani runtii waa bilow waxaanan rajaynaynaa inuu sii socdo oo qaybaha dhiman ama wasaaradaha dhiman inuu dhamaystirmo inta naga dhiman.”ayuu hadalkiisa raaciyey agaasimuhu.

Faysal Cali sheikh ayaa geesta kale sheegay in shirkadaha ku tartamaya loogu garsoori doono si cadaaladi ku dheehan tahay, waxaana uu tilmaamay in mashruucan cidii ka soo bixi karta loo dhiibi doono.“Waxaanu wasaarada ahaan ku dadaali doonaa tan iyo hawlaha kale ee aan wadnana in ay noqdaan qaar qaranka wax badan u tara inta oo kaliya wasaaradda shaqadeeda maaha ee kuwan iyo kuwa kaleba way laleedahay ha noqdaan shirkadaha is gaadhsiinta ama boosta, waxaana ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso dadaal dheerna ugu jirto sidii ay u kobcin lahayd isgaadhsiinta dalka Somaliland.

ku xigeenka wasaarada boosaha iyo is gaadhsiinta iyo Guddoomiyaha ICT Somaliland Eng Cali Daahir ayaa isna sheegay inuu mashruucani faa’ido badan u leeyahay wasaarada dawlada iyo xidhiidhkooda  u dhaxeeya,kaas oo ka faa’idi doonaan.

Gaba-gabadii wasiirka wasaarada boosaha iyo is gaadhsiinta Somaliland ayaa furay mashruucan qandaraaskiisa ee la doonayo in xidhiidh loogu sameeyo wasaaradaha dawladaha qaab casri ah oo caalamku hadda ku wada xidhiidho, taas oo Somaliland ka dhigaysa nidaam iyo hab wasaaradaha dawladdu kula xidhiidhi karaan caalamka.

Mudane Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige wasiirka boosaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in sida ugu wanaagsan adeegan qandaraaskiisa layskaga xil saaro, waxaana uu wasiirku la dardaarmay shirkadaha bixiyay intenaydka oo layskugu keenay Hoolka Wasaarada taas oo shirkad waliba loo bandhigayay adeega looga baahan yahay.

Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Cige oo arrintaasi faahfaahinaya waxa uu yidhi “Mashruucan bidhka ahi waa mid aad u wanaagsan mid sahlaya in ay xidhiidh toos ah yeeshaan wasaaradaha dawladu, waxaanan ku dadaalaynaa inaanu markasta isku dayno sidii mashruucaasi u hir gali lahaa oo faa’ido inoogu filan.”

Mashruucan ayaa wasaarada boosahu ku guulaystay sidii ay u hirgalin lahayd,waxaan ay tani ka turjumaysaa dadaalka dheer ee ay ugu jirto xidhiidhka wasaaradaha dawladu iyo kuwa caalamkaba,waxaana mashruucan keenay wasaarada inta uu xilka hayay wasiirka cusub ee boosaha oo ku sunta dadaal iyo dhiiri galinta shaqaalaha wasaaradiisa oo durba inta uu xilka hayay ay soo iftiimeen mashruucyo badani

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.