WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 7, 2016 (Saxafi)-Maayarka Caasimadda Hargeysa oo hogaaminaya qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Caasimadda, ayaa shalay kormeer ku tagay, isla markaana furay sariibad casri ah oo loo dhisay caanaleyda magaaladda Hargeysa.

Maayarka iyo saraakiisha dawlada hoose ee Hargeysa ee kormerkiisa ku wehelinayey ayaa haweenka caanaleyda ah ee sariibadan casriga ah loo sameeyey ku soo dhoweeyeen, kuwaas oo uga mahadnaqday hirgalinta sariibadan oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabeen inay caanaha loo sameeyo suuq casri ah oo nadiif ah oo ay ku shaqaysan karaan.
Suuqan casriga ah waxa iska kaashaday dawladda hoose ee Hargeysa iyo hay’adda Cuntooyinka ee FAO, kuwaas oo ka hirgaliyey suuq caannoley oo casri ah.
Ugu horeyn Maayarka Caasimadda Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa magaaladda Hargeysa ugu bushaareeyey sagaal iyo toban suuq oo laga hirgalin doonno magaaladda Hargeysa, isla markana ay iska kaashan doonaan hay’addaha FOA iyo GIZ ay sagaal iyo toban suuq ay dib u habayn ku samayn doonaan si loo helo suuqyo horumarsan oo casri ah.
Sariibad Caanaleyda loo furayMaayarka caasimadda  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, oo dadweynaha caasimadda u bushaaraynaya waxa uu yidhi “waxaanu ugu tallogalnay inay dumarkeeno heleen goobo casri ah oo ay ku shaqaysan karaan, waad aragtan siday u eegtahay iyo sida loo casriyeeyey sariibadan caanaha ee gobonimo, waxaana idin sheegaya in aanu waddno sideed suuq oo Hargeysa loo samaynayo oo iyaguna casri ah iyo saddex kale oo aanu anagu wadno oo aanu hay’adda FOA ka codsanay inay dib u habayn noogu sameeyeen, waxa kale oo iyana hay’adda GIZ oo iyaduna soo galaysa mashruucaaasi caanaha lagu wanaajinayo ay sideed suuq oo kale oo caanaha lagu hagaajinayo ay dhisno ayaanu ka wada hadalnay oo Hargeysa gudaheeda ku sidaas ku noqdaan sagaal iyo toban suuq oo casri ah”.
Maayarka ayaa sheegay inay wadaan mashruucyo suuqyadda gancsiga dib ugu habaynayaan oo ay ka dhigayaan goobo casri ah oo la jaanqaadi kara suuqyadda caalamka.
Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Daahir oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka caasimadda ayaa sheegay in sariibadan casriga ahi tahay mid si heer sare ah loo soo qorsheeye, waxaanu yidhi “waxa suuqan laga fuliyey mashruuc aad u fiican, halka aanu ka soo bilawnay ee buulasha iyo halka uu maanta marayo waad dareemi kartaa, waxaanu marayna halkii ugu dambeeyey oo ah in aanu talaagaddo geyno sariibada caanaha oo inta meel qurux badan la inoo dhiso aynu caanaha ku ridno talaagaddo,”
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Haybe, xildhibaan Ismaaciil Cago yare, iyo Sarkaal ku hadlayey afka hay’adda suuqan hirgalisay FOA, kuwaas oo dhamaantood ka sheekeeyey sida suuqan casriga ah ee Gobinimo uga hirgaliyeen iyo sidii ay caanaleydu u ilaashan lahayd.
Ugu dambayntii waxa iyaguna halkaasi shahaado sharaf gudoonsiiyey maayarka haweenka caanaleyda iyo ururkooda, kuwaas oo ku amaanay sariibaddan caanaha ee loo sameeyey, kuwaas oo markii dambe hadhimo sharafeed u sameeyey.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.