WorldRemitAds
Sydney, Australia, March 7, 2016 (Saxafi) – Ciidamada badda ee dalka Australia ayaa qabtay shixnad hub ah oo ka koobna 2000 qori noocisa AK47, taas oo lagu waday sida warku sheegay dalka Somalia, waxana shixnada hubka ah siday markab kalluumaysato ah.

Markabka HMAS Darwin ee ciidamada bada Australia ayaa qabtay markabkan kallumaysatada ah meel ku dhow xeebta dalka Cuman, islamarkaana qoriga AK-47ka ah ayaa la sameyeey 1989, waxa kale oo ay ka heleen 100 xabadood oo baasuukayaal ag, 49 qoriga baaska ah ama machine guns, foosto madhan iyo tuunbooyinka hoobiyaha, iyadoo lagu qariyey Markabka khaanadiisa hoose. Cunaqabatayn hubka ah ayaa ay hay’ada qaramada midoobey saartay dalka Somalia, iyaddoo ay tahay in la qabto wixii hub ah ee maraya badweynta ee ku socota dalka Somalia, waxaana Markabkan kalluumaysatada ahi ku sii jeeday dalka Somalia.
Madaxa ciidamada isbahaysiga hawlgalada ee Vice Admiral David Johnston ayaa sheegay in ay tahay hawlgalkii 7-aad ay fuliyaan ciidamada badda. Markabka HMAS Darwin sugitaanka amaanka badweynta Indianka, waxa kale oo uu sheegay in ay sababta koowaad ee loo keenay mandaqadan ay ahayd sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen amaanka dunida. “Muhiimada koowaad ee ciidamada markabka Darwin loo keenay gobolkan waxaa ay tahay sidii ay uga qayb qaataan kaalintooda sugitaanka amaanka dunida iyo ka hor taga halista argagixisada caalamiga ah. Guulaha aanu ku fuulnay ee noo fududeysay in aanu qabano hubka oo lagu qarinayey shabaga kalluunka hoostiisa ayaa muujineysa in gobolkan loo feejignaado.” Sidaasna waxa yidhi Vice Admiral David Johnston.
Ciidamada badda ee dalka Australia ee saaraan markabka HMAS Darwin oo ka mid ah isbahaysiga caalaamiga ah ee ku midoobey ka hor taga argagixisada, budhcadbadeeda iyo koontarabaanka maandooriyaha, islamarkaana u taagan sugitaanka deegaanka badweynta Bariga Dhexe iyo waqooyiga bari ee xeebta Geeska Afrika.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.