WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 17, 2018 (Saxafi) – Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanu marnaba Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi soo jeedin in doorashooyinka Golaha Wakiiladda Somaliland lagu galo sidii hore, isla markaana xeerka doorashooyinka oo golaha wasiiraddu kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyay aan qeexin saami-qaybsiga gobollada Dalka ee doorashada Goleyaasha.

Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay sidaas ku sheegtay war-saxaafadeed shalay ka soo baxay, kaas oo lagu faah-faahiyay xeerkaasi iyo sida uu ku yimid. Waxaana lagu yidhi warkaas sidan; “Dhawaan waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay Golaha Wakiilladda Xeerka Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha, kaas oo golaha wasiirradu ansixiyeen. Xeerkaasna waxa soo diyaariyay komishanka doorashooyinka qaranka, iyadoo ay kala qayb-qaateen axsaabta qaranka, garyaqaanka guud iyo ururrada bulshada rayidka ah.

SomlegalAds

Xeerkaas oo golaha wasiirradu ku sameeyeen kaabis iyo wax-ka-beddel ku salaysan qoondada haweenka iyo beelaha Gabooye loo asteeyey, xeerkaas kuma qeexna, laguma kordhin, lagumana kaabin saami-qaybsiga kuraasida gobollada ee golaha wakiillada, waxana uu horyaallaa golaha wakiillada, si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan, doodda saami-qaybsiga kuraasta goboladda iyo qaabka qaybintiisuna xildhibaanada ka hadlay golaha ay ka tirsan yihiin ayey u taal.

Ugu danbayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi Marnaba ma soo jeedin in sidii hore lagu galo doorashooyinka golaha wakiillada, mana shaacin saami-qaybsiga kuraasida gobollada, xukuumaddana waxa ka go’an xaqiijinta geeddiga dimuquraaddiyadda ee doorashooyinka, waxaana xil ka saaran yahay qabsoomidda doorashada oo xilligeedii ku dhacda.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.