WorldRemitAds

Safarkii “Dalkayga Waan Jeclahay”

W.Q: Ismaaciil Shirwac

WorldRemitAds

Dhulka oo hiimse-hiimse ah ayaanu ka jarmaadnay Hargeysa, Safarka Waxa Hoggaamiye ka ah, Mudane Cabdillaahi Geeljire oo Oday iyo Saaxiib Dhaw noo ah, aniga iyo Zir Elmi -na si gaar ah macalin noogu ah. Waxa na hagaya Suldaan Maxauud Xaaji Aadan Qabille oo ah Xaruuri dal-mar ah oo kaftankiisa iyo ilbaxnimadiisa aad la tacajabayso, isku xidhka iyo isku dubba ridka hawlahana waxa noo qaabilsanaa Zufi Mohamed, Guuleed-Ayaanle Axmed iyo Xaaji Cabdifatax Gamaameye. Hiirtii ayaanu Laamida qabsanay, Ka dibna waxaanu Salaaddii Subax kusii tukanay Dooxo u dhaw Carro-Baydhay. Bandar-Wanaag sokadeeda ayaanu ka laabnay oo jiho ku beegan Koonfur-bari ayaan afka saarnay. Wasiir Cabdillaahi Geeljire oo aanu isku baabuur nahay ayaanu dhegaysanaynaa, Sheekaduna hal mar nagama kala go’ayso. Wuxuu nala wadaagayay xog kasta oo uu ka hayo Dhulka iyo Dhirta labadaba.

Buurta dabdheer oo reer miyigu soo wariyaan in mararka qaar ay wax ka guuxaan ayaanu sinteeda marnay. Ka dibna waxaanu sii jibaaxnay Karinkii. Markaas ayaanu sheeda ka halacsanay Bankii Qoryaale oo dareemadu soo cawsoobayso balse qurxoon oo jawi macaan. Urta Digada Xoolaha ayaa kolba na saaqaysa oo aanu dhamaantayo sanka la raacaynaa, Waxa iyaduna maskaxdayada ka guuxaysa Hormadii Geella ahay ee Barqo-Maal oo uu leeyahay Xaaji Cabdillaahi Carab taas oo aanu rabno inaanu Oodda ka rogno marka aanu gaadhno Qoryaale.

Tuulada Axmed Buur ayaanu hareer ka marnay, ka dibna waxaanu Baabuurtii joojinay Kambalka Ardaaga xeradii Geella Barqo-Maal. Ololka Halaha iyo Yuuska Nirgaha ayaa sida Miyuusigga dhegahayaga ugu soo dhacay, durbadiibana Oodda ayaa laga qaaday markaasaa Halihii naloo maalay. Gorof Xoor leh oo diiran ayaa nin weliba ka haqab-beelay.

Markaas ayaanu socod lug ah oo gaaban bilawnay. Wasiir Cabdillaahi ayaa noo sharaxaya Dhirta kala duwan oo deegaanka ka baxda iyo Magacyadooda waxaananu ku hakanaynaa kolba Geedka naga soo hor baxa. Qudhaca, Maraaga, iyo Sogsogta oo Yube soo noqonaysay marka laga yimaado waxa iyagana aanu indhaha saarnay Hiil iyo Wancad oo iyagu nagu cusbaa.

Geelii iyo Xaaji Cabdilaahi Carab ba markaanu u ducaynay ayuu mar kale na hor galay Suldaankayagii; Suldaan Maxamuud Xaaji Aadan Qabile. Waxaanu sii marnay Xoog-jeerine oo caan ku ah Geedka Jeerinka oo uu si teel ah uu uga ag baxay Geedka Cadaygu, Ka dibna waxaanu ka talawnay Dooxadii Xayramadle. Debis ayaanu ku dhaadhacnay, Waxaana albaabada naloo furay Beertii Digtoor Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw-Koombe) oo Cambe Lafku adigoo hoos maraya Madaxa kaaga soo daadanayo. Soo dhaweyn iyo Sooryo tolnimo ayaanu halkaasna kala kulanay. Markaas ayaanu u carrawnay dhinicii Baxarasaaf-yada iyo Beero Wasaaradda Deegaanku ay gacanta ku hayso oo ay ku daryeesho Dhir iyo Duur-joog qurux badan. Meel aan halkaas kaba fogayn ayaanu ku quraacanay, Waxaana Xusid mudan qorshihii Wasiir Cabdillaahi iyo Suldaan Maxamuud dhalinyarada ugu sii qoondeeyeen Sahay Roodhi iyo Muqmad ah. Salka ayaa dhulka la wada dhigay, markaasaa nin weliba feedhaha tiiriyay, Qosolka iyo kaftankuna Kala joogsi ma uu lahayn.

Socdaalkii ayaa sii socday, Xamaraha ayaanu dhinac ka marnay, Ka dibna waxa aanu ku leexanay deegaanka Dhagax-Nebi-Galay. Waxa indhaha soo jiitay Dhagaxaanta waaweyn ee habaysan ee dhulkaas yaala, iyo Farashaxan taariikhi ah oo u eg kuwan Laas-geel oo ku xardhan dhagaxaanta Buurta. Cabaar ayaanu dhinacyada kaga wareegnay, Waxaana aanu sheeda ka halacsanaynay Cobol ka baxday baarka sare ee Dhagaxaanta waaweyn. Intii aanan ka bixin Dhagax-Nebi-Galay waxaanu is dul-taagnay Xabaalo waaweyn oo ay ku wareegsanyihiin Ardaayo la sheegay inay ku aasanyihiin Qofka xabaasha ku aasan Ubadkiisii iyo Ooridiisii. Intii aanaan ka ambabixin deegaanka Dhagax Nebi Galay, dadkii deegaanku waxay noo hadiyadeeyeen Xab-Xab markaas uun laga soo jaray Beer-roobaadyo deegaanku Caan ku yahay.

Dooxadii Oomanta ayaanu ka talawnay oo aanu iyadana kusii aragnay Geedka Cawda, Durbadiibana Waxa ishayadu qabatay Saqafka Cas ee Dugsigii Cadaado kaasi oo Haldoor badan oo Wasiir Cabdillaahi Geeljire ka mid yahay oo dugsiga ka aflaxay ay u sameeyeen Dhaqaale-ururin dib loogu dhisay oo dhamaystirmay. Wasiir Cabdilaahi Geeljire, Wuxuu noo sharaxay qaybihii dugsiga sida; Xarumihii hurdada ee afarta qaybood ahaa oo la kala odhan jiray; Debis, Gacan-Libaax, Siig iyo Sheekh Nuux, Qolalkii Jiifka oo uu noo sheegay in Qolka Albaabka ku beegan ay ardaydu u bixiyeen “Baaral-Hawaa”, Laboratory gii, Madbakhii, Fasaladii iyo Dhismayaashii ay deganaayeen Maamulka iyo Macalimiintu.

Dugsiga markii aanu ka boganay waxa aanu u dhaafnay Degmada Cadaadlay oo markaba ishaadu qabanayso Qalcadihii Xaaji Aadan Qabile oo isagu DC ka ahaa degmada, maadaama Cadaadley ay tahay Magaalo Guun ah, sidoo kalenaa waxa Macalin Cabdilaahi uu sheedda naga tusay geed damal ah uu fadhiisan jiray Badhasaabkii Ingiriiska oo Soomaalidu u taqaanay Caarshe Dheere. Cadaadlay Waxa nagu qaabilay Guddoomiyaha Degmada Cadaadlay Mudane Cumar Nuur Xuseen, Tolka Gobta ahina waxay Geed damal ah hoostii noo taxeen Kuraas, ay weheliyaan Falaasado iyo Koobab Af-dabayl ah oo aanu ku cabno shaah ay soo karisay Hooyo Cudbi Fagaase. Dhakhtarka degmada ayaa taariikhda Cadaadlay wax nooga taataabtay, Waxa isaguna salaan nagusoo bariidiyay Taliyaha Saldhiga Cadaadlay. Waxaanu soo eegnay Sayladda iyo Kawaanka degmada oo dhismahoodu gebo-gebo ku dhawyahay, Ka dibna waxaanu macasalaamaynay Reer Cadaadlay.

Waxaanu ku sii hakanay Beertii Adeero Ahmed Ibrahim Awale oo geedka xinnaha iyo dhir kale ka baxayso, ka dibna jarrato ayaanu afka saarnay. Waxaanu ka daadegnay dawgii Jarrato oo gebiyada buurta uu buux dhaafiyay Geedka Dhosoqu, Waxaana intii aanu dawga ku jirnay ku sii aragnay Adaahi-dii hoosta buurnayd, Salmac iyadana xididkeeda waraabaha lagu sumeeyo iyo dhir kale oo badan oo uu ka mid yahay Maygaagu. Dooxadii Laba hadhlay ayaanu ku hoos ugu dhaadhacnay oo soo indho-indhaynay, markaas ayaanu dib ugu soo noqonay waddada oo aanu u jihaysanay dhankaas iyo Shilmaale oo Casuumad Qado ahi noogu diyaar ahayd.

Jidku daal malaha oo Macalin Cabdillaahi-baa shidhka noo saaran, sheekadiisana lagama dhergayo. Cabaar markii aanu soconayna waxa aanu ku so baxnay Xaaji Maxamuud Cali Diiriye (Qoofal) oo jidka u taagan soo dhaweyntayada. Mudane Qoofal Sooryadiisii, Gobanimadiisii iyo sidii uu noo qaabilay ilaa immika ayay igu sawirantahay. Soo dhaweyn uun ma ahayne Hilib Solan iyo Nooc kasta oo cunto ahna waxa uu noogu sii fidiyay Dermooyin lagu salaxay Waab la ooday oo aan dabayshu meelna usoo marayn. Labaataneeyo nin ninka dhargiyay oo cunto nooc walba leh ku macsuumay saw boqol nin maaha? Halkaasaanu Muddo ku dibiro dhacsanay, Ku nasanay oo ku tukanay, intii aanaan soo Caraabina isku baranay oo ragu is toyday oo tol iyo walaal la wada noqday oo laabta la is wada geliyay.

Caraabihii Galbeed waxa aanu soo marnay Weeraarta oo ah halkii uu ku koray Xildhibaan Kijaandhe, Gadhka Warsame Xaad, mar kale Xoog jeerinle, ka dibna waxa aanu wadada kaga soo dhacnay Dhubato. Markii aanu Hargeisa soo galnayna waxa gurigiisa oo ku yaala xaafadda New Hargeisa Shaah iyo Shaadali macaan noogu sameeyey Xaaji Cabdifataax Gamaameeye.

Safarkii “Dalkayga Waan Jeclahay” xiisaha uu lahaabaa qasbaya in tiro daba-taxan ah halka dambe lagaga daro si uu marar kale usoo noqnoqdo, waxaana markii dambe la isku af-gartay in magaca safarka laga dhigo “Dalkayga Waan jeclahay 1” waxaana la sugi kari laayahay goorta qaybtiisii 2aad la qorshaynayo.

Mahadnaq keli ahi munaasib kuma aha Odayaashii waxaasoo qurux iyo farxad ah suurto geliyay, haddana qushiye aan u mahad celiyo, Wasiir/Macalin Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire, Suldaan Maxamuud Xaaji Aadan Qabile, Xaaji Cabdilaahi Carab, Xaaji Maxamuud Cali Diiriye Qoofal, Xaaji Cabdifataax Gamaameeye, Digtoor Cabdiraxmaan Cali Mahadi Aw Koombe, Prof. Ahmed Ibrahim Cawaale, Guddoomiye Cumar Nuur Xuseen iyo dhamaan dadkii deegaankii aanu socodka ku marnay.

Ismael Shirwac

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.