WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 17, 2018 (Saxafi) – Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ka hadlay kulan gaar ah oo dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay in ay shan qodob ka wada hadleen.

Ismaaciil Buubaa oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa ku dooday in madaxweynuhu su’aallo ka weydiiyay arrimo door ah uuna xagiisa uga jawaabay, waxaana uu yidhi. “Maalin dhaweyd madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waanu is aragnay arrimo badan waanu ka wada hadalnay, qodobada aan ka wada hadalnay waxay ahaayeen shan qodob oo kala ah.

SomlegalAds

1- Isbedelka Itoobiya, 2- Wada-hadalada Somaliland iyo Somalia, 3- Xaaladda Tukaraq, 4- Xaaladda Ceel-Afweyn, 5- Shirkii Beesha Garxajis, su’aaluhu waxay ka imanayeen madaxweynaha anigana jawaabo ayey u badnaayeen.” ayuu yidhi Buubaa oo ka hadlayey shir ay wada galeen isaga iyo madaxweyne Biixi.

“Madaxweynaha waanu isla soo qaadnay in aan dawlada Somaliland dagaal rabin, waxaanu iga dalbaday in aan gaadhsiiyo beesha Majeerteen ee reer Puntland oo aan dad badan ka aqaano in loo sheego in aanaan dagaal iyo dhibaato la rabin ee arrimaha la isku hayo lagu dhameeyo wada hadal, dadkii aan u sheegayna way soo dhaweeyeen wayna ila qaateen waana ku gudda jiraa”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale, waxa la waydiiyey inay ka wada hadleen khilaafkii mudadda dheer ka dhexeeyey isaga iyo madaxweynaha  iyo in kale, waxaanu sheegay in wakhtigii halganka iyo intii dib loo soo noqday ay jireen inay arrimo badan ku kala aragti duwanaayeen, balse aanay jirin imika wax dhexdoodda yaalla oo xurguf ah, hase yeeshee loo baahan yahay in hore loo sii socdo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.