WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 17, 2018 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay war ay baahiyeen ergo odayaal dhawaan socdaal ku tegay magaaladda Garoowe oo la xidhiidhay dagaalka deegaanka Tukaraq sida ay sheegeen.

War ka soo baxay shalay Madaxtooyadda Somaliland oo arrintan la xidhiidha ayaa waxaa lagu yidhi sidan. “Dabbaal-degga munaasibaddii 26-kii June 2018, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo shir-guddoonka Guurtida iyo wakiilladu waxay ku caddeeyeen in Somaliland diyaar u tahay xabbad joojin. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tuka-raq, Iyadoo dhulkeedii 70Km gudaha loogu jiro lagulana dagaallamayo xadkeeda.

SomlegalAds

Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay Xabbad-joojin,   marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimi halkan.

Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tukaraq oo ah gudaha Jamhuuriyadda Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma socdaan.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.