Hargeysa, Somaliland, December 13, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa xalay magacaabay laba safiir oo bedeli doonno laba safiir oo wasiiro u dallacay.
Labadda xil ee la magacaabay ayaa waxa hore u hayey Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo hore u ahaa safiirka Somaliland u fadhi jiray Kenya iyo safiirka wareegga oo isna aga dhigay wasiir ku xigeenka Ganacsiga Kayse Maxamed Cabdilaahi.

Madaxweynuhu:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dallalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya iyo wakiilka wareega ee Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu La-tashaday: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah.
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
-
In Mudane, Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.
-
In Mudane, Raabi Cabdi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).”