WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 29, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dawladda iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabka ku bogaadiyay munaasibadda 44-guurrada ka soo wareegtay xornimadii wadanka Imaaraadka Carabta oo loo dabaal degayo 2-da Bisha December 2015-ka.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah ugu diray madaxweynaha dawladda Imaaraadka carabta Sheekh Khaliifa Binu Saa’id Al-nahyaan, waxaana dhambaalkaasi gaadh siiyay danjiraha Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabka Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisa tahniyadda ah kaga waramay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo uu ku sifeeyay mid soo jireen ah oo taariikhiya.

SomlegalAds

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu tilmaamay in dawladda iyo shacbiga Somaliland ay la qeybsanayaan farxadda dabaal dega munaasibadda 44 guuradda ka soo wareegtay xornimadii dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu uga mahad celiyay dawladda Imaaraadka carabta taageeradda ay ka geystaan jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay in iskaashiga labada dal uu yahay mid ku dhisan saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.