WorldRemitAds

Gar-Adag, Somaliland, July 10, 2018 (Saxafi) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo weftigii uu hogaaminaayay ayaa kulan la qaatay wax-garadka iyo cuqaasha degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag, weftidani uu hogaaminaayo madaxweyne ku-xigeenku ayaa kala hadlay dadka deegaankaasi sidii ay u xoojin lahaayeen nabadgelyadda maadaama deegaanka Ceel-afweyn oo ku dhaw dagmada Gar-Adag ay ka dhacday dirir u dhaxaysa dadka deegaankaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka iyo wax-garadka reer Gar-adag inay doorka nabadgelyadda iska taagaan mashaqada deegaanka Ceel-afweyn, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku dadka deegaanka Gar-adag u hoggo-tusaaleeyay qiimaha Nabadgelyadda iyo ilaalinta midnimada iyo wada jirka ummada ku dhaqan deegaankaas, waxaana ka mid ahaa hadal kooban oo halkaasi uu ka yidhi “Waxaynu nahay dad walaalo ah oo aanu ninna nin dheerayn, qof maanta inaga dhintana aynaan ka maarmayn, waxaan ka codsanayaa madax-dhaqameedka Gar-adag inay doorka nabad-galyada iska taagaan dhinaca wanaagsan mashaqada Ceel-afwayn, annaguna ka dawlad ahaan waxaanu ballan qaadaynaa in doorkayaga aanu ka ciyaarno arrintan Ceel-afwayn sidii nabad loogu soo celin lahaa dadkaasi walaalaha ahna quluubtooda laysugu dhayi lahaa si ay mar-labaad u soo noqoto wax isu ahaanshihii ay caanka ku ahayd Sanaag “ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

SomlegalAds

Madax-dhaqameedka deegaanka Gar-adag ayaa ballan qaaday inay wax kasta ka horaysiin doonaan Nabadgelyadda iyo wada jirka ummadda isla markaana ay xukuumadda garab ku siin doonaan sidii nabada Ceel-afweyn loogu guulaysan lahaa.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo weftigiii uu hogaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Culimada ugu caansan dalkani Somaliland oo magaalada Ceel-afweyn u tagay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadaynta dadka deegaankani ku wada nool.

Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka iyo Culimada ayaa si weyn uga wada hadlay sidii loo dhamayn lahaa colaadani, islamarkaana aanay dib ugu soo noqon lahayn deegaanka, waxaana kulankaasi lagu faa-qiday qaababka loo xalin karo nabad-galyodaradda deegaanka ka jirta.

Culimada ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u ballan qaaday inay doorkooda qaadan doonaan si hufan oo hanaansan islamarkaana ay ku sargoynayaan diinta Islaamka iyo garsoorkii Rasuulka NNKH.

Culimadaasi oo  ay ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh Suufi, Sheekh Cabdilaahi Xaashi Bar-baraawi iyo Culimo kale oo caana.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.