WorldRemitAds

“Qofkii is casilaa ikhtiyaar buu u leeyahay inuu xilka iskaga tago, dad badan oo diyaar u ah inay qaranka u shaqeeyaan ayaa jira”Madaxweyne Siilaanyo.

“Cid kasta oo ka talowda khadka cas waxaan ahay ninka qoorta kala jebinaya” Warancadde

Madaxweyne Siillaanyo Iyo Warancadde Oo Farriimo Adag Diray – Hargeysa, Somaliland, October 27, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilllaanyo, ayaa sheegay inuu ka aqballay iscasiladdiii ay soo dalbadeen masuuliyiintii iska casilay, isla markaana uu buuxin doono boosaskii ay baneeyeen, isagoo dhinaca kalena xalay kormeer dhoolatus ah ugu soo baxay qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa oo uu socod ku soo maray.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu qofkii la shaqayn kari waaya maamulkiisa uu ikhtiyaar u leeyahay inuu is casilo, isla markaana booskoodda dad kale lagu bedeli doonno, waxaanu cadeeyey in aany cidna taageersanayn balse uu taageeri doono cidii golaha dhexe codka siiyaan.

hqdefault (1)“Dadkii la socon kari waaya maamulka jira yio duruufa jira xaq bay u leeyihiin inay is casilaan, qofkii la jaan qaadi kari waayana booskiisa cid kale lagu bedeli, waana ka caqballay iscasilaadoodda”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo oo ka jawaabayey wasiiradaasi iscasilay.

SomlegalAds

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in aanu taageerin mid ka mid ah musharaxinta balse lagu kala baxayo shirweynaha golaha dhexe ee kulmiye.

“Anigu cidna garab maan siin, waxbana kama jiraan inaan cid taageeray, waxaana lagu kala baxayaa shirweynaha golaha dhexe ee kulmiye, xisbiguna nidaam iyo sharci buu leeyahay, qofkii is casilaana ikhtiyaar buu u leeyahay inuu xilka iskaga tago, umadda Somalilnad way faro badan yihiin oo dad badan oo diyaar u ah inay qaranka u shaqeeyaan ayaa jira”ayuu yidhi mar uu ka jawaabayey inuu kala taageeray musharaxiinta xisbiga kulmiye oo wasiiradda qaarkood ku eedeeyeen inuu musharax kaliya garabka saaray.

Jidadka magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu arkay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siillaanyo oo ay galbinayaan ciidamo ilaalada Madaxtooyada, isagoo socod ku maray jidadka suuqa Hargeysa iyo sidoo kale Hotelka Maansoor oo warku sheegay inuu booqday.

Ammaanka magaalada Hargeysa ayaa xalay aad loo adkeeyay, waxaanay ciidamada ammaanku ku sugnaa jidadka halbowlaha ah ee caasimadda, kuwaas oo baadhitaano ku samaynayey gaadiidka jidadkaas marayay.

Si kastaba ha ahaatee, wasiiraddan xilalkii ay hayeen iska casilay ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inuu la saftay dhinac kaliya, isla markaana uu ka baxay dhex dhexaadnimaddii uu hore u ballanqaaday.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran Cadde ayaa sheegay in ciddii nabadgalyo daro ku kacda inuu qoorta ka jabinayo, isla markaana uu gacan bir ah ku qaban doonno.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlaya wasiiradda iscasilay waxa uu yidhi “Waxaad ogtihiin Qaar ka mid ah wasiiraddii dawladda madaxweyne Siilaanyo is casileen, waxaynu nahay dal dimuqraadi ah waxana jira dabeeshii loolanka ee musharaxnimadda xisbiga kulmiye, loolankaasi wuxu u dhacaya si dimuqraadiya oo cadaaladda ku dhisan, is casilaada qaar ka mid ah wasiiradaasi macnaheedu maaha in dawladdii khalkhal iyo wax kale soo gallay, arrinta ay keentay loolankaasi siyaasadeed oo niman si uu arko oo doonay inay u gacan banaanaadaan loolankoodda haddii uu isku wadi kari waayey loolankaasi iyo xilkii qaranka u hayey, wax alaale wax ay u dhimaysa qarankan gaamuray ee Somaliland ma jirto, horana way u dhici doonto oo nolosha ayey ka mid tahay nin la eryo iyo nin is casilo laakiin cid wax u noqota ma jirto, sidaa awgeed waxaan bulshada u sheegay in dabeelaha dheg u dhigin in dacaayadaha cadowga Somaliland fidinayo ee ka dhanka Somaliland beenta ay sheegayaan iyo waxay ka faafinayaan wax ka jira ma jirto, dalkana waa nabad, cid kasta ha ahaato raga aanu saaxibidda ahayn ee golaha ku wada jirnay niman laga filayo falal sumcadoodda wax u dhimaya uma aqaano mana dhici karto, dadkana yaan been loo sheegin, horana waxaad u maqashay xilku waa meerto, madaxweynuhu wuxu xaq u leeyahay inuu jagadii banaanada uu buuxiyo, saaxibaday looma diidan inay iska sharaxaan xisbga kulmiye maanta xaq bay u leeyihiin waa u diyaar waana dimuqraadiyada”

 Wasiirka ayaa sheegay in musharaxiinta cidna loo diideyn inay is sharaxaan, waxaanu yidhi“cid la yidhi isma sharaxi karta ma jirto, kii golaha dhexe u doorta uun baa la isdaba taagaya hadii uu madaxweynaha yahay iyo hadii uu mid kale yahayba, haddii madaxweynuhu hadho leftiisa ka soo baxa uun baa la isdaba taagaya xisbiguna waa mid dimuqraadi ah oo aan la kala lahayn”

Mar la waydiiyey cida uu isagu taageersan yahay musharaxiinta xisbiga kulmiye, waxaanu yidhi “Anigu cidna ma taageersani ee qarankan taageersanahay, maadaama oo aan arrimaha gudaha ahay wuxuu xil iga saaran yahay amniga iyo nabadgalyada, cid kasta oo ka talowda khadka casna waxan ahay ninka qoorta kala jabinaya haddii aan kuwo taageersanahay iyo hadii aan kuwo diidanahay” Waran Cadde oo fariin u dirayey cidii amniga isku dayda inay waxyeelayso waxa uu yidhi “Wadankan qof iyo cid kale oo u hanjabi kartaa ma jirto, cid xuquuqdiisa meel lagaga dhacayaa ma jirto, wax hanjabaad keeni karaa meesha ma yaalaan, rag aan ka filayo waxyabaha qaarkoodna ma jirto”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.