WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 21, 2016 (Saxafi) – Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo ayaa shalay magacaabay guddiyo oo ka kala shaqayn doonta Ictiraaf raadinta iyo guddida qabanqaabadda xuska 25aad ee madax banaanidda Somaliland.

War-saxafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) ayaa lagu sheegay labadan guddi ee loo magacaabay ictiraaf raadinta iyo guddida qabanqaabada 18 May.
Ugu horeyn guddida ictiraaf raadinta ayaa waxa ku jira xubno wasiiro arrimaha dibadda Somaliland soo maray wakhtigii Daahir Rayaale iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, aqoonyahanno iyo khabiiro aqoon u leh xidhiidhka caalamiga ah, waxaanu qoraalkan oo dhamaystirani u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhignayd sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid Guddi
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.
Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map).
  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah Sacad Cali Shirre Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi
  3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somaliya Cawil Cali Ducaale
  4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda
  5. Wakiilka Wareega ee Somaliland Mudane, Raabi Axmed Mohamed
  6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga Mudane, Cali Axmed Cismaan
  7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
  8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Prof. Maxamed Siciid Gees
  9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
  10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
  11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
  12. Professor, Macalester College, MinnesotaProf. Axmed Ismaaciil Samatar
  13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax
  14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
  15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G. Wakilada Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
  16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G. Guurtida Mudane, Axmed Daahir Jirde
  17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
  18. Xoghayaha warfaafinta WADANI Boobe Yuusuf Ducaalle.
Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan. ”
Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu gudi u magacabay agaasinka iyo u diyaar garowga xuska 18 May, waxaanu war-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan; “Ujeeddo: Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas oo loo baahan-yahay in sannadkan loo xuso si weyn, isla markaana Bulshada Somaliland dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan.
Sidaas darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 25aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.
Xubnaha Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Guddoomiye Ku-xigeen.
  3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xubin.
  4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xubin
  5. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Xubin.
  6. Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin.
  7. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Xubin.
  8. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada) Xoghaye
  9. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada) Xubin
  10. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF) Xubin
  11. Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (SONSAF) Xubin
  12. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed(NEGAAD) Xubin
  13. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO) Xubin. ”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.