WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, April 21, 2018,(Saxafi) – Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la doortey ee wadanka Itoobiya Abiy Axmed ayaa magacaabay Gollahiisa wasiiradda cusub kaasi oo isla shalay  Baarlamaanku uu ansixiyay.

Gollaha Wasiirada oo ka kooban 10 xubnood ayaa waxaa ku jira laba wasiir oo Xukuumadii hore ee Hailemariam Desalegn kuwaasi oo kala ah Wasiiradda Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda.

SomlegalAds

Dhowr shaqsi oo Soomaali ah ayaa ku jira Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Abiy Axmed.

“Si looga jawaabo dalabka dad weynaha, waa muhiim in isku shaandheyn lagu sameeyay Gollaha Wasiiradda, tani waxay qeyb ka noqonaysaa isbedelka dhanka hogaanka ee Itoobiya,” ayuu yidhi Abiy.

Abiy ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono Musuq-maasuq iyo maamul xumada la dagtay dalkiisa, taasi oo keentay inay rabshado ka dhacaan gobollada ay degaan Oromada iyo Amxaarada.

Boqolaal qof ayay ciidamada amaanka ku dileen gobollada Oromada iyo Amxaaradda intii ay socdeen dibadbaxyadii dowladda lagaga soo horjeeday.

Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay si lama filaan ah bishii February si uu dhabaha ugu xaadho isbedel inuu ka dhaco dalkaasi, maadaama Xukuumadiisa ku guul dareysatay inay wax ka qabato rabshadaha.

Abiy Axmed oo 42 jir ah, islamarkaana hore u soo noqday wasiirkii Seyniska Itoobiya iyo Sarkaal ciidan ayaa loo dhaariyay xilka Ra’iisul wasaaraha 2-dii bishan April, kadib is-casilaadii Hailemariam.

Dhanka kale, Baarlamaanka Itoobiya ayaa shalay Gudoomiye u doortay wasiirkii hore ee arrimaha Haweenka dalkaasi Muferiat Kamil, oo katirsan Xisbiga haya talada ee EPRDF.

Dalka Itoobiya oo shacabkiisa lagu qiyaasay 100 milyan ayaa lagu tilmaamay inuu kamid yahay dalalka ugu dhaqaalaha badan Africa, waxaana IMF ay sheegtay in dhaqaalahiisa uu kordhay [10%] 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.