WorldRemitAds

Waxa idhawaaleba la hadal hayaa Jabhadeynta la sheegay in uu gobolka Sanaag ka bilaabay sarkaal hore uga tirsanaan jiray ciidamada qaranka ee fadhigoodu yahay gobolkaasi, kaas oo lagu magacaabo Kornayl Caarre.

Sarkaalkan oo weliba xukumayay qayb ama ururro ka tirsan ciidamada dalka ee halkaa ku sugan ayaa labadii maalmood ee u dambaysayba soo horfadhiisanayay saxaafadda maamul goboleedka Puntland, isagoo ku baaqay inuu Somaliland qori caaradii kaga xoreyayo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Kulmiye.

SomlegalAds

Waa markii u horreysay ee sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland u dhaqaaqo inuu dumiyo dal iyo dad u sheegtay inuu ka xoreeyay cadaadiska iyo dulmiga dawladdii miltariga ahayd ee Siyaad Barre, waana markii labaad ee muwaadin ka tirsan dalku cadowga Somaliland u hoosgalo waxyeelenyta horumarka dalkiisa, waxase ka horreeyay mid ka mid ah salaadiinta Gobolka Awdal oo isna 2014kii sidan oo kale xadka Somaliland intuu ka gudbay maamulkii Cabdi Iley u hoos galay inuu dadweyaha gobolkiisa ku dhibaateeyo aakhirataankiina lagu jabiyey dagaal u la galay ciidamada Somaliland, haatana baxsad kaga maqan dadkii uu Suldaanka u ahaa.

Marka la isbarbar dhigo siyaalaha ama duruufaha labadan muwaadin u go’aasadeen inay waxyeeleeyaan qaranimada dalka ayaa ku beegnayd wakhti xidhiidhkii xumaa ee u dhexeeyay madaxweyaha xabsiga ku jira ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Ilay dad badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland maamulkiisii iyo Leu Booliskiisii ku xasuuqeen deegaaka Jaamac Dubad halka maanta oo korayl Caarre bixitaankiisa la beegsaday inuu Somalilad lugta u q qabto Cabdiweli Gaas iyo Soomaaliya oo dagaal isir ku salaysan kula jira Soomaalilad, gaar ahaana Gobolka Sool ee deegaanka Tukaraq.

Suldaankaasi iyo kornaylkan ayaa labadoodaba markii ay gacanta u galeen labadaas maamul, Magaalooyinka Dharwaaaje iyo Qardho looga tumay sacab iyo soo dhaweyn aan daacad loogu ahayn ujeeddo siyaasadeedna ay ka lahaayeen maamulayaasha dhulkaasi ee isku haybta ahi, kaasoo markii dambe qadhaadhkiisa ay dhadhamiyeen dhallinyaradii la majara habaabiyey ee uu hor socday Suldaakaasi dhabarkana ay toogteen maamulkii Cabdi Iley ee magangelyada siiyey. Labada muwaadin ee reer Somalilad ayaa dhinaca kale bixitaakooda ama jabhadayntoodu salka ku haysaa ama ku haysay qabyaalad iyo xoreynta beelaha ay ka tirsanyihiin oo aan la ogeyn beelaha gumaysta, balse jabhadayntoodu aanay ku salaysnayn waddaninimo shacbiga Somaliland ka dalbadeen jabhadayntooda.

Haddaba marka la eego itaalka iyo awoodda maamulada magangelyada siiyey waxaan shaki ku jirin in maamulkii Cabdi Ilay ee uu hoos galay Suldaan Wabar ka awood roonaa kan uu Suldaan Caare miciinsaday, isla markaaa uu kaga khatar badan yahay kii suldaan Wabar, sababtoo ah isir nacaybka Cabdiweli Gaas iyo dadkiisu u qabaan reer Somaliland ayaa laga yaabaa inay galaafato nolosha ilaalada kornaylku luggooyey ee Qardho, taasoo uu kaga duwanyahay Suldaan Wabarka jabhadaynta ka dhex bilaabay dadkii uu Suldaaka u ahaa ee dhinaca Itoobiya, balse ay ku kala tegeen dadkii u suldaaka u ahaa ee gudaha Somaliland iyo Boorama ku noolaa kuwaasoo aanu waxba ka weydiinin ama kala tashanin dagaalkii uu iclaamiyey.

Si kastaba ha ahaatee Jabhadeynta Somaliland laguma guuleysan karo sababtoo ah, iyadaa ka dhalatay Jabhad, beel beello kale xoog ku qabsanaysaana ma caawinayso jabhadaynta Caare iyo reer Sanaag sidii ay jabhadayntii reer Awdal u caawin weyday, waxana hubaal ah in Caarre ka mustaqbal xumaan doono Maamul goboleedka Puntland ee dagaalka ugu haliilaya, mana dhacayso in Cabdiweli oo ilaa maanta saanad milatari u raadinaya maleesiyadiisa Garoowe soo dhaafi la’ inuu kornayl Caarre madaafiic u soo dhiibo, waxaana laga yaabaa oo kale in jabhadeyta Caarre ee Sanaag ka khasaare iyo Guuldarro badnaan doonto tii Suldaan Wabar ee Gobolka Awdal.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.