WorldRemitAds

Xog ururin laga sameeyay dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in Magaca Muhammad uu ka mid noqday tobanka magac ee loogu bixinta badan yahay carruurta ku dhalatay dalka Maraykanka ee sanadkan 2019, taas oo lagu xaqiijiyay baadhitaan lagu sameeyay cusbitaalada dhalmada ee dalkaa gaar ahaan tobanka magac ee ugu badan ee carruurtii sanadkan dhalatay loo bixiyay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Warbixin ay sanad walba dhamaadkiisa ay soo saraan ururka “Baby Center” ee dalka Maraykanka aya alagu ogaaday in magacyada Muhammad iyo Alijah ay safka hore kaga jiraan tobankii magac ee carruurta ugu badan loo bixiyay sanadkan dhamaanaya ee 2019.

Sida warbixintu sheegtay tobanka magac ee ugu badnaa ee carruurta wiilasha ah ee sanadkan ku dhashay Maraykanka loo bixiyay ayaa ahaa sidan, “Muhammad, Liam, Jackson, Noah, Eden, Grayson, Kidden, Lucas, Elijah, iyo Oliver.

Halka Magacyada Gabdhaha loo bixiyay tobanka ugu tiradda badana ay ka ahaayeen, “Sofia, Olivia, Emma, ​​Eva, Aria, Isabella, Amelia, Mia, Riley, iyo Alia”. Waxaanay warbixintu sheegtay in Muhammad iyo Alia (Caaliya) ay noqdeen labada magac ee ugu badan sanadkan 2019-ka.

Sida warbixintani sheegtay waxa kor u kac wayni ku yimi magacyada asalkoodu carabta ka soo jeedo, kuwaas oo cadaynaya in Muslimiintu dhamaantood ka siman yihiin tix gelinta magaca Muhammad oo ah magacii Nabi Muhammad (NNKHA).

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.