WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, December 11, 2016 (Saxafi)-Gaadhi aaladaha qarxa ku xidhan yihiin, ayaa bartilmaameedsaday bar kaantarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka Somalia oo ku taalla duleedka magaaladda Muqdisho.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarka kaddib markii ay siyaabo kala duwan uga hadleen dowladda federaalka iyo Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyad weerarka.

Saraakiisha ciidammada nabad-sugida ayaa sheegay in gaadhigu uu qarxay xili baadhitaan lagu hayay, waxaana goobta ku dhintay sidda ay saraakiishaasi sheegeen askari ka tirsanaa ciidammadii joogay barta-kootarool iyo qofkii wadday gaadhiga qarxay.

SomlegalAds

gaadhigii-is-qarxiyeyHasse ahaatee war ka soo baxay dhinac Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan isla markaana ku dileen ilaa 9 askari oo ka tirsan nabad-sugida Soomaaliya.

Taliska hay’addaha nabad-sugida dalkaas Somalia ayaa war ay shalay soo saareen ku sheegay in gaadhiga qaraxa lagu geystay lagu soo xidhay Taarikada Somaliland, taas oo ay ku tilmaameen mid la doonayo in leysaga horkeeno bulshada labada dhinac.

Ugu danbeyntii, gaadhiga is qarxinta geystay ayaa lagu waramyaa in uu ku sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, hase ahaatee lagu joojiyay barta-koontarool ee uu qaraxu ka dhacay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.