WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 26, 2015 (Saxafi) – Kulan wakhti dheer qaatay, ayaa la sheegay inuu Xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siillaanyo, Marwadiisa Aamina-Weris Sheekh Maxamuud, Wasiirada ka soo jeeda Beesha Bariga Burco, iyo laba wiil ee Madaxweynuhu soddoga u yahay ee mid yahay Ambassadorka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Baashe Cawil.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay haddana sida ay ilo xog-ogaal ahi Saxafi u sheegeen kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid Madaxweynaha iyo qoyskii ugu yeedheen wasiirada beesha Madaxweynaha ka soo jeeda, kaas oo la sheegay in lagaga wada hadlayay loolanka tartanka musharaxnimada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga KULMIYE, iyadoo uu sii xoogaystay loolankii murashaxiinta kala duwan u dhexeeyay.

Marwo Aamina-weris iyo wasiirada Bariga BurcoWaxa kale oo ilaha warkan laga helay sheegeen in kulankan oo wakhti badan qaatay oo xataa habeen-badhkii xalay laysla dhaafay, lagaga tashanayey qaabka ay Madaxtooyadda iyo beesha Bariga Burco uga qayb-qaadanayso loolanka murashaxiinta ee shirka golaha dhexe ee KULMIYE, iyadoo wasiirada Beesha Bariga Burco oo kala ah; Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Dib-u-dejinta, Cali Raygal, Wasiirka Duulista, Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka Macdanta Xuseen Ducaale, ay labada musharax ee Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi la kala safan yihiin.

SomlegalAds

Ma jirto wax natiijo ah oo ka soo baxday kulankaas xalay, hase yeeshee waxaa ilaa shalay jiray warar suuqa aad laysula dhexmarayay iyo kuwo lagu baahiyay baraha internet-ka oo qaar ka mid ah taageerayaasha mid ka mid ah murashixiinta loolamaysaa ku boraakasayeen in Madaxtooyadu dhinacooda la safan tahay, isla markaana tallaabo laga qaadi doono wasiirada ka qayb-qaadanaya ololaha murashaxiinta tartamaysa, gaar ahaan xubnaha wasiirada ee taabacsan wasiirka Arrimaha Dibada, Maxamed Biixi Yoonis.

Laakiin Madaxtooyada Somaliland ayaa laba cisho ka hor baahisay in Madaxweynaha iyo Marwadiisuba ay dhex u yihiin murashaxiinta ku loolamaysa KULMIYE, isla markaana aanu jirin musharax ay si gaar ah u taageerayaan. Balse waxaa ilaa shalay soo baxayey warar qaarkood laga soo xigtay xubno wasiiro ah oo sheegay warkaas Madaxtooyadu baahisay ka duwan, oo odhanaya Marwada Madaxweynuhu waxay taageeraysaa mid ka mid ah murashaxiinta.

Inkastoo xogo xilli-dambe soo baxay xalay oo dhinac keliya aanu ka helnay sheegay in wasiirada afarta ah ee kulankaas ka qayb-galay amar lagu siiyay inay mid ka mid ah murashaxiinta loolamaysa garab istaagaan, isla markaana tallaabo laga qaadi doono wasiirka ka hor yimaada ama wax amarkaas ka duwan ku dhaqaaqa, iyadoo sida ilaha warkaas laga helay tibaaxeen weliba la faray wasiiradaas in aanu jiri doonin tartan iyo cid la loolami doonta musharaxaas lagu amray inay taageeraan ee ay Madaxtooyadu wadato, haddana waxaa la filayaa in tafaasiisha warkani maanta si toos ah shaaca looga qaado.

Si kasta ha ahaatee, kulanka xalay ee Madaxweynaha iyo Qosykiisu la yeesheen afarta wasiir ee Beesha Madaxweynaha ka soo jeeda ayaa la filayaa in natiijada ka soo baxdaa ay wax badan ka bedeli doonto xaraarada kaambaynta ee loolanka murasharaxnimada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee lagu tartami doono shirka golaha dhexe ee KULMIYE oo la filayo inuu qabsoomo tobanka bisha soo socota ee November 2015, taas oo laga dareemi doono wasiirada kulankaas ka qayb-galay waxa ay kula soo noqdaan mid waliba dhinacii uu taageerada la garab taagnaa, iyadoo aan la ogeyn wejiga kale ee kaambaynku isku bedeli doono haddii tibaaxan hordhaci ahi noqdaan xaqiiqda biyo kama-dhibcaanka ah ee Madaxtooyadu go’aansatay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.