WorldRemitAds

Xad gudubkii ugu xumaa ayaa lagula kacay qof rakaab ah oo ku safrayay, diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee JetBlue, ka dib markii uu hadalo iyo su’aalo caadi ah waydiiyay, Ivanka Trump oo ah gabadh uu dhalay madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump.

Ivanka Trump takes her seat before the third and final 2016 presidential campaign debate between Republican U.S. presidential nominee Donald Trump and Democratic nominee Hillary Clinton at UNLV in Las Vegas, Nevada, U.S., October 19, 2016. REUTERS/Mike Blake
Ivanka Trump takes her seat before the third and final 2016 presidential campaign debate between Republican U.S. presidential nominee Donald Trump and Democratic nominee Hillary Clinton at UNLV in Las Vegas, Nevada, U.S., October 19, 2016. REUTERS/Mike Blake

Gabadhan ina Trump ayaa ka mid ahayd dadkii diyaarada ku safrayay, ee ka soo raacay, madaarka John F. Kennedy Airport ee magaalada New York, ayaa galaafatay qof ka mid ah rakaabka oo waydiiyay, sababta ay diyaarad gaar ah u raaci wayday ee ay diyaaradaha rakaabka ugu safrayso, waxa kale oo qofkaasi uu ku yidhi, Aabahaa oo dhibaatadiisi na haysato ayaad adiguna diyaarad nala soo fuulaysa.

Runtii sida ay rakaabkii ku safrayay diyaadaasi warbaahinta u xaqiijiyeen, may jirin wax hanjabaad ah oo qofkaas rakaabka ahi kula kacay gabadhan uu dhalay Donald Trump, waxaanu waydiiyay oo kaliya su’aalo caadiyan la waydiin jiray madaxda iyo carruurta ay dhaleen.

SomlegalAds

Laakiin shirkada ayaa qaadatay, go’aan degdeg ah oo ay xuquuqda qofkaas muwaadinka ah, gef iyo xad gudub ku noqonaysa, waxaana qofkaas rakaabka ah si degdeg ah looga dejiyay diyaaradii oo inta duuliyihii waday uu degdeg madaar kale u fadhiisiyay ka dibna kaligii laga reebay.

https://twitter.com/harambetch/status/812067471221919744

Qaar ka mid ah rakaabkii diyaarada ku safrayay ayaa aad uga xumaaday talaabadan ay shirkadu qaadatay, waxaanay sababtay in warbaahintu si adag ugu canbaarayso go’aanka ay qofka rakaabka ah ka qaadatay.

Hasa yeeshee maamulka shirkada (JetBlue), ayaa iska difaacay eedaha loo jeedinayo, waxaanay taa badalkeeda shirkadu ku dooday inay qaadatay talaabadii ugu haboonayd ee ugu macquulsanayd, shirkada ayaa ka jawaabtay sidii ay ula dhaqmeen qofkaas rakaabka ah ee Ina Trump la hadlay.

Laakiin warbaahinta dalka Maraykanku may bixin wax faah faahin ah oo la xidhiidha halka uu ku danbeeyay qofkii laga dejiyay diyaarada iyo sida masiirkiisu noqday, wallow shirkadu meesha ka saartay in la xidhay ama booliska loo dhiibay.

Ivanka Trump ayaa sida la sheegay u socotay gobolka Hawaii, halkaas oo ay u tagaysay fasaxa ciida Kirismiska ee maanta ka bilaabmaysa dunida, shirkada ayaa go’aankeedan ku tilmaantay mid ay si wayn uga baaran degtay oo tashi badan shaqaalaheedu ka sameeyeen.

Laakiin warbaahinta iyo kooxaha xuquuqda muwaadiniinta Maraykanka iyo sinaantooda u ololeeya, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, waxaanay intooda badani adeegsadeen xad gudub sharci inay ugu yeedhaan go’aanka Shirkada Jet Blue ka qaadatay qofkaas rakaabkeeda ahaa.

Gabadhan ayaan laga sheegin cabasho iyo wax ashkato ah oo ay shirkada kaga dalbatay in laga reebo qofkaas rakaabka ah, mana jirin wax dareen ah oo ay hadalkan iyo talaabada shirkadu qaadatay midna ka bixisay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.