WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 12, 2015 (Saxafi) – Dadweynaha Boorama ayaa dooraad oo dhan indhaha ku hayey doorashadii ama loolankii loo galay kursiga Madaxweyne ku xigeenka oo ay aaminsanaayeen inuu yahay mid muqaddas ah oo aanay cidina kula loolami karrin.

Kursigan oo mar kale Madaxweyne ku xigeenka haatan Cabdiraxmaan Saylci mar kale ku guulaystay inuu isu taago musharraxnimadda mansabkaasi, ayaa sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolkaas Maxamed Cumar dad badan oo magaalada Boorama ku nooli ku farxeen dib u soo celintiisa, hase yeeshee, dhinaca kale qaybo ka mid ah dadweynaha Magaaladaas oo aanay weligoodba nabadi u dhaxaynin KULMIYE iyo xukuumaddiisa ayaa mar kale dareen cadho leh ka muujiyay sidda kursigaasi loogu doortay Mudane Muuse Biixi, maadaama ay aamin-sayihiin in Muuse Biixi ka mid yahay raggii kursiga ka tuuray xisbul xaakimkii hore ee ay taageerada siin jireen.

Dadweynaha ayaa guud ahaan ka sinaa farxadda ku saabsan dib u soo celinta Saylici ee kursigaasi oo ay u arkeen inuu uga wareegi lahaa Sool iyo Buuhoodle, Faarax Ciise oo ka mid ah dadka reer Boorama ee arrintan ka hadlay ayaa yidhi sidan: ”Waxaan moodaynay in kursigani aanu gorgortan geli karrin, Xaglatoosiyena wuu na sigay oo hadduu shan bilood sii ololayn lahaa, dib inooguma soo laabteen kursigu ee beri dhaweyd uun buu damacani galay”.

SomlegalAds

Nin kale oo ka mid ah dadweynaha reer Awdal ayaa isna yidhi ”Weligay waxaan moodayay in beelaha dhexe leeyihiin madaxweynaha, innaguna (reer Awdal-na) aan leenahay madaxweyne ku xigeenka, laakiin hadii la innoogu yimid macnaheedu waxaan leeyahay wax kale ayaa la hadalhayn lahaa.”

Biixi iyo SayliciHaddaan Kursiga u badbaaday reer Awdal intaas ku dhaafno, waxa halkan ku nool dad badan oo doorashadii Muuse Biixi ee mansabka Madaxweyne ka xumaaday, halka badi beelaha taageerada siiya, Madaxweyne ku xigeenka haatan Cabdiraxmaan Saylcina ku farxeen in kastoo aan laga arag wax damaashaad ah oo ay ku muujinayaan farxadooda.

Dadweynaha ka soo horjeeda Muuse Biixi, una badan beelihii taageerada siin jiray xisbul xaakimkii hore ee UDUB, qaarkopodna taageero siiyeen Wasiir Xaglatoosiye si meesha looga saaro Saylici ayaa cadhadooda ku muujiyey aamusanaan, wejiyadoodana ay ka muuqatay cadhadaasi waxayna badankoodu ka muquurteen saxaafadda. dadka fara ku tiriska ah ee arrintaasi ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa nin magaciisa ku sheegay Xaaji Daahir oo yidhi. “Muuse Biixi ha la doorto macnaheedu waa Waddani taageera, waayo waa la ogyahay waxa uu ninkaasi ku hadli jirey wakhtigii UDUB, sidaa darteed waxaan taageero siin doonaa Waddani iyo inanka aan abtiga u ahay”.

Ugu dambayntiina reer Boorama oo aan doorasahdii hore ee madaxtinnimada dalka xisbul xaakimka KULMIYE siinin wax cod ah oo la sheego ayaa waxa suurtagal ah in mar kale la marsiiyo guul kale oo KULMIYE ka helo doorashooyinka soo socda, Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylcina mar kale, hoggaanka dalka ku qabsadaan, iyadoo haatan beelaha reer Awdal ku kala qaybsan yihiin dhinaca siyaasadda, isla markaana beelaha uu ka soo jeedo Madaxweyne ku xigeenka haatani ku daba fayshanyihiin, kuwa kalena ku soo biiri doonaan wakhtiga kaambaynka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.