WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, July 31, 2016 (Saxafi) – Dadweynaha magaalada Boorama iyo degaanada kale ee Gobolka Awdal ayaa soo dhaweeyay mashruuca Madaxweyne Siillaanyo iyo xukuumaddiiu soo hadal-qaadeen kuna saabsan saami qaybsiga Golaha wakiillada dalka, mashruucaas oo marka horeba ka mid ahaa tabashooyinkii madax dhaqameedyada Gobolka Awdal u gudbiyeen xukuumadda laba sano ku dhawaad ka hor.

Badi dadweynaha ku nool gobolada oo mashruucan u arka mid muhimad weyn u leh dawladnimada Somaliland iyo reer Awdalba, ayaa dhinaca kale ka walaacsan sidii uu u meel mari lahaa maadaama durba mashruucaasi ay isku mari waayeen hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda ee dalka, kuwaas oo mar kale iskaga riixay madaxweynaha oo horeba u dalbaday in axsaabta iyo hay’adaha madaxa bannaan ee Akademiyadda iyo Sonsaf ka soo talo bixiyaan.

Mashruucan saami qaybiga golaha wakiillada, kuna soo beegmay wakhti ay dhawyihiin doorashooyinkii madaxtooyada iyo wakiiladu ayaad moodaa in lala soo daahay loona baahnaa in mar hore miiska la soo saaro maadaama u yahay mashruuc xasaasi ah oo reer Somaliland isku keeni kara ama sii kala fogeyn kara.

SomlegalAds

Badi dadweynaha magaalada Boorama oo aan siyaalo kala duwan wax uga weydiiyey ayaa mashruucani ka farxiyay hase yeeshee, shaki badan ka muujiyey meelmarintiisa iyo hirgelintiisa, iyagoo sabab uga dhigay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin kulan kii saddexda xisbi qaran ka yeesheen oo ay u arkayeen in madaxda saddex xisbi qaran oo isku gobol ama isku hayb ahi aanay ka talin karin aayaha gobolada kale maadaama saami qaybsiga golahaasi ku salaysan nidaam beeleed oo ay aqlabiyaddiisa leeyihiin beelaha dhexe ee dalku.

Dhinaca kale, badi dadweynaha iyo siyaasiyiinta aan wax ka weydiiyey arrintan ayaa ii sheegay in mashruucan saamiqaybsiga Golaha wakiilladu khuseeyo oo keliya gobolada galbeedka siiba Awdal iyo Selel, laguna soo dari karo Gobolka Sool iyo Sanaag Bari hadii ay lugta kala baxaan Soomaaliya iyo Puntland.

Si kastaba ha ahaatee reer Somaliland iyo dawladda Siilaanyo waxa u bilowday mashruuc qodax leh oo u baahan waddaninimo, tanaasul, iyo midnimo la muujiyo inta ka horreysa doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo Golaha wakiilada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.