WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland November 24, 2016 (Saxafi) – Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo  ka mid ah masuuliyiinta taaabacsan garabka Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga UCID ayaa sheegtay wada hadalka u socda garabka Jamaal iyo labada xisbi (Kulmiye iyo Waddani) aan wax natiijo wax ku ool ah ka soo baxayn.

Rooda Yaasiin ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqday inay si gaar ah ula socdaan asxaabta siyaasadda dalka ka jira.

Marwo Rooda Axmed Yaassiin oo shalay khadka telefoonka ugu waramaysay wargeyska Saxafi, iyadoo ku sugan magaaladda Hargeysa ayaa labada xisbi ku tilmaantay midkoodna in aanu ku dhisnayn hadafkii horumarinta bulshadda balse ay ku dhisan yihiin aargoosi iyo hanti boob, waxaanay sheegtay in xisbi matalaya rabitaanka shacabka aanu jirin.

SomlegalAds

Roodda Yaasiin ayaa saddexda xisbiba ku tilmaamay kuwo aan laga filayn inay ummadan yoolkoodda qaadaan oo wax badan qabtaan, waxaanay ugu horeyn ka hadashay xisbigii ay ka midka ahayd ee UCID oo ay ku tilmaamay mid ay haboon tahay in Faysal laga qabto, waxaanay tidhi “Xisbiga UCID ninka baabiyey ee loo adeegsaday waa Faysal Cali Waraabe, waxaana ay isku xisbi ahaayeen Faysal Cali Waraabe oo ka farcamay waa xisbiga Waddani. Xisbiga Faysal Cali Waraabe uu mar walba u horjoogo oo maanta ku tiirsan dowlada ayuu ahaa, iyadoo maalinta xisbiga UCID usoo galay Jaamal Cali Xuseen iyo maanta ay naxdintu isku mid tahay, waxaana aan filayey in xisbiga Faysal Cali Waraabe uu ku jiro ama uu madaxda uu ka yahay in aanu meelna gaadhayn wakhtiga ay doonto ha noqotaba.”

Marwo Rooda Axmed Yaassin oo ka jawaabaysa aragtideeda guud ahaan ay ka aminsan tahay labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani ayaa tidhi “Labada xisbi ee kale waxa aan u arka laba kala daran kala dooro ayaan u arkaa runtii, waayo xisbiga Kulmiye hore (already) waanu isla ognahay wuxuu yahay, xisbiga Wadani oo mustaqbaalka isbedelka laga sugayey wixii uu Kulmiye kharibey iyo waxkastaba waxa uu noqday xisbiga Waddani. Waddani-na  wuxu noqday xisbi danaystayaal ayuu noqday cadaalada dhexdiisana waatii aynu aragnay, maantana xukuumada kuwii ku jirey ee kharibey wax kasta ee qabyaalada iyo hanti boobka iyo dhib kasta iyagu ka ahaa hormoodka ayaa marka ay isku garan waayeen xisbiga Kulmiye ayey WADDANI galeen iyadoo aan wax shuruud ah lagu xidhin.”

Marwo Roodda Yaasiin oo shacabka reer Somaliland la hadlaysa, fariina u diraysa waxay tidhi  “ waxa aan la hadlaa dadweynaha oo aan u sheegayaa dadweynaha in ay aad ugu fiirsadaan waxa ka dhacaya xisbiyada qaranka ee dalka ka jira ee isbedelka ay ka sugayaan. In ay maanta yihiin xisbiyo dad isku mid ah oo shaqadooda iyo noocyada ay yihiin ay isku wada mid tahay oo aan isbedel dhab ah oo fiican keenayn, maadamaa xisbiga Kulmiye dadkii ku jirey oo buugii Kulmiye uu qorey ku fashilmay, maantana xisbiga Wadani ay galeen iyadoo gudoomiyaha xisbiga Wadani lagu tirinayey isaguna in uu ka mid yahay xukuumadan khaladaadka badani ka dhaceen,”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.