WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 24, 2016 (Saxafi) – Alla ha u naxariistee waxa shalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf Maxamed Jaamac Kayd oo mudooyinkan dambe bukaan Jiif ahaa.

Abwaan Maxamed Jaamac Kayd ayaa waxa mudooyin dambe uu u xanuunsanayey Faalig kaga dhacay dhinaca, kaasi oo waayadan dambe bukaan socod ka dhigay, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday faaligii oo mar kale ku soo noqday.

Abwaan Kayd oo dadka taariikhdiisa hayaa sheegeen inuu ku magac dheeraa Kayd Dhegoole wuxuu ahaa qof dhinacyo badan kaga jiray nolosha bulshadda, waxaanu ahaa macalin arday badan wax baray, waxaanu macalinimadda ku darsaday inuu noqdo hal abuur mufakir ah oo sameeyey Riwaayado iyo heeso badan oo ay ku luuqeeyaan fanaaniin caan ah sida Khadra Daahir Cige, Cabdiqaadir Macalin Juba, Saynab Cige iyo kuwo kale oo faro badan.

SomlegalAds

kaydMarxuum Abwaan Maxamed Jaamac Kayd waxa la sheegaa inuu dhashay hiilaadii 1952 oo uu ku dhashay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, waxaanu waxbarashaddiisii hoose iyo dhexeba ku soo qaatay isla magaaladda Burco, isagoo markii dambe usoo wareegay magaaladda Muqdisho oo uu ka bilaabay macalinimadiisii.

Marxuum Kayd waxa la sheegay inuu safar waxbarasho ku tagay dalka Masar oo uu soo bartay cilmiga suugaanta waxaanu bare ka noqday jaamacadii dalka gaar ahaan jaamacadii Lafoole .

Marxuum Abwaan/Macalin Kayd wuxuu ka mid noqday hobolada Waaberi oo uu rukunaddii ay ku dhisnayd ka mid noqday, isagoo hal abuuray heeso faro badan iyo Riwaayaddo wakhtigaasi aad loo jeclaa uu sameeyey.

Horaantii kun sagaal boqol sideetamaadkii Abwaanku riwaayado uu hal buuray waxa ka mid ahaa riwaayad aad loo jeclaystay oo la magac baxday ‘Nin Ilaahay wakiishay nasiibkiisa ma waayo, taasi oo ay ku jireen heeso aad u caan baxay sida heesta “ Marti ee ay qaado Kharo Daahir Cige erayadeedana ay ka midka yihiin.

“Cudurka kaa gala fardaha, Haddii laga gubo Dameer  Dawada lama gaadhayo”

Abwaan Kayd sidoo kale isla sannadahaasi waxa uu alifay heeso kale oo ay ka mid tahay heesta Adduunyo oo ay qaado fanaanada Saynab Cige Maxamed .iyo heeso kale oo uu u kala dhiibay hobolada Aamina Cabdulaahi iyo waliba Axmed Cali Cigaal oo uu isna u dhiibay heesta Walaashay Gacalisooy.

Abwaan Kayd wuxuu ahaa nin dabeecad, dhaqan iyo qalbi fiican sida ay sheegeen fanaaniintii ay soo wada shaqeeyeen, waxaanay illaahay u waydiinaynaa inuu janaddii Fardawso ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed uu samari iyo iimaan ka siiyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.