WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 24, 2016 (Saxafi) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska  Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa sheegay in afar qof siyaabo kala duwan ugu dhinteen magaaladda Hargeysa.

Afartan qof ayaa laba qof shil gaadhi ku geeriyoodeen, halka laba kalena siyaabo kala duwan loo dilay, gacmo ka xaq daranne dileen ka dib markii nin afka duubtay uu nin Farmasi haysta uu toogtay, halka ka kalena ahaa askari qoriga ku waabinayey rag watay gaadhi iska roggo ah taas oo xabaddi kaga fakatay oo mid ka mid ah ragii iska rogadda saarnaa ku geeriyooday.

Taliye ku xigeenka Booliska, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, oo ka hadlaya sida wax u dhaceen iyo dadkan siyaabaha kala duwan u dhintay, waxa uu yidhi “Laba shil oo ka dhacay bariga magaaladda Hargeysa ayaa sababay dhimashadda laba qof,  mid wuxuu ahaa booyad iyo Vitz  isku dhacay hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen, shilka labaadna  wuxuu ahaa Booyad iyo Zuzuki hal qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen, intii dhaawacantay waxa la dhigay cisbitaalka Hargeysa, kuwii gaadhiga waday waxay ku xidhan yihiin saldhiga ciidanka wadooyinka”.

SomlegalAds

Taliye ku xigeenka oo ka hadlayey laba qof ee xabadda lagu dilayna waxa uu yidhi “Waxa kale oo jirta dhacdo makhribkii nin madaxa duubtay intuu nin farmasi haysta ugu gallay isagoo Baastoolad sita ayuu  toogtay, ninkaasi la toogtayna markii Cusbitaalka la geeyey wuu geeriyooday, waxaana loo hayaa hal qof, waxaana jirtay in ninkaasi geeriyooday intii aan la dilin uu soo dacwooday oo uu sheegay haddii dhibi soo gaadho inuu masuul ka noqon doono qofkuu ka soo dacwooday, waana la baadhayaa baadhistiina way socotaa, waxa kale oo jira dil labaad oo ah Nin askari oo ka yimid Xeebta ayaa gaadhigii uu la socday gaadhi isku gudbay intuu u tagay ayuu ku waabiyey oo ay xabaddi kaga dhacday ninkii askariga ahaa rag watay gaadhi isku rogga ah oo kuwo camuudda qaada ah, askarigii dilka geystayna waa la hayaaa baadhitaankiisa wuu socdaa”

Laba dil ee xalay ka dhacay magaaladda Hargeysa ayaa kan afka duubtay noqonayaa mid ku cusub oo aan hore loo arag, iyadoo aanay hore u dhicin nin wakhti fiid ah inta uu baastoolad qof soo qaato uu qof meheradiisii haysta iska toogto ka dibna uu cararo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.