WorldRemitAds

Washington, Maraykanka, November 24, 2016 (Saxafi)-Taliska ciidamada Maraykanka ee magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa waxba kama jiraan ku sheegay war ka soo baxay ururka Al-shabaab oo sheegtay in askari ka tirsan ciidammada Mareykanka ku dilleen iska horimaad ka dhacay Jubbooyinka.

Sarkaal u hadlay taliska AFRICOM ayaa warkan ka soo yeedhay Al-shabaab ku tilmaamay wax lala yaabo, isaga oo meesha ka saaray sheegashada ah in askari looga dillay howlgalka ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Askarigan dhimashadiisa ay sheegteen Al-shabaab oo lagu magacaabo Zachary Allan Bannister ayaa dhintay 17-kii Bishii Oktoobar, waxaana warbaahinta Maraykanku sheegtay in uu ku dhintay saldhig ku yaalla dalka Kenya.

SomlegalAds

Zachary Allan Bannister oo ka howlgali jiray saldhig militari oo ciidammada Mareykanka ku leeyihiin jasiirada Lamu ee dalka Kenya ayaa loo maleynayaa in uu isaga naftiisa wax yeelleeyay siddaana uu ku dhintay.

Ugu danbeyntii, dhawaan ayey aheyd markii ciidamo Mareykanka ah ka qeyb-qaateen howlgal ka dhan ah ahaa Al-shabaab oo laga fuliyay deegaannada Jubbooyinka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u qiil sameeyey inuu isku waddi karo ganacsiga iyo madaxweyneimadda loo doortay, isagoo sheegay in aanu sharcigu diidanayn inuu labadaasi hawl isku waddo.

Waxaa soo baxayay walaac laga muujinayo suurta-galnimada in ay labadaasi arrimood is khilaafi karaan marka uu Trump la wareego Aqalka Cad bisha Januray.

Madaxweynayaashii hore Xubno ka tirsan Senetka Mareykanka ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan soo saaridda qaraar ka dalbanayo madaxweynaha la doortay inuu dad kale ku wareejiyo ganacsigiisa, si looga baaqsado in madaxweynaha macaash ka sameeyo xafiiska.

Madaxweynayaashi hore ee dalka Mareykanka waxaa ay door bideen in ay kala saaraan ganacsigooda iyo howlaha dowladda iyagoo howlahooda gaarka ah u dhiibtay dad ka madax banaan shaqooyinka dowladda.

Balse Donald Trump oo hadda maamulo in kabadan 500 oo ganacsi oo kala duwan waxaa soo food saari doono caqabado.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Washington ayaa sheegay in aanu jirin  sharci ama xeer ku khasbayo Trump inuu meel iska dhigo howlahiisa gaarka ah. Waxaa haseyeeshee laga yaabaa in Trump uu wajaha cadaadis haddii uu ku guul dareysto in uu kala saaro danaha Mareykanka iyo tiisa gaarka ah.

Ugu danbeyntii, wareysi uu siiyay wargeyska The New York Times ayuu Trump ku sheegay in uu isku wadi doono maamulka dowladda iyo howlihiisa gaarka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.