WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 30, 2018, (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ka Furay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa Shirweynaha heer qaran ee Shaqo abuurka Dhallinyaradda Somaliland.

Munaasibada lagu daah-furayey shirwaynaha shaqo abuurka ee heer qaran oo socon doona laba maalmood ayay ka soo qaybgaleen haldoorka Somaliland, oo iyagu falan qayn ku samayn doona labadaa maalmood midha dhalka shirkaasi la doonayo inay ka soo baxaan, waxana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka socday xukuumadda, wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, midawga yurub iyo hay’ado kale oo dhawra.

SomlegalAds

Shirkan oo ay si wada Jir ah u soo agaasimeen Wasaaradda  Shaqo-gelinta, Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Iyo Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee Sonyo, waxaana ka qayb galay Madax ka Tirsan Golayaasha qaranka, Qaar ka Mid ah Ururada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Somaliland ka hawl gala.

Wasiirka Wasaaradda  Shaqo-gelinta, Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) oo Madashii furitaanka Shirweynaha heerqaran ee Shaqo abuurka Dhallinyaradda Somaliland ka hadashay ayaa sheegtay in shirweynahani yahay kii sadexaad ee Somaliland ka qabsooma ”Shirkani waa Shirweynihii Sadexaad ee Somaliland ka qabsooma waana kii Kowaad ee ay qabato Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,anagoo ka duulayna balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye iyo balanqaadka Madaxweynaha qaranka ee ah in Shaqooyin loo abuuro dhallinyaradda Somaliland ee ku madhay badaha iyo Saxaraha ayaanu diyaarinay anigoo ku hadlaya afka shaqo abuurka Wasaarad ahaan aanu soo agaasinay shirkan,Waxaan u mahadcelinayaa Cid kasta oo gacan ka gaystay qabsoomida shirkan oo ay ugu horayso hay’ada Save The Children,Dalladda Sonyo,Dalida iyo Midowga Yurub”.

Wasiirka Wasaaradda  Shaqo-gelinta,Qoyska, Iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland waxaa kale oo ay ka hadashay qorsheyaasha ay Wasaarad ahaan u diyaariyeen shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland waxayna Tidhi ”Wasaarad ahaan si dhallinyaradu uga baxdo shaqo la’aanta waxay diyaarisay Siyaasado badan oo fududaynaya sidii dhallintu u heli lahayd shaqo,Waxay Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasada Shaqo-abuurka  kaas oo hada maraya meel gabo gabo ah,Sidoo kale Waxay Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasadda Carbinta,Waxaa kale oo Wasaaradu gacanta ku haysaa Siyaasadda hawl gabka qaranka, Waxaa kale oo aanu wadnaa Siyaasada nidaamka Shaqo ka fadhiisiga,Sidoo kale Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ayaan gacanta ku haynaa, Kaas oo aanu Kaabis iyo Wax ka bedel aanu ku samaynay Isla markaana aanu dhawaan Golaha Wasiirada hor gayn doono,dhamaanba Siyaasadahaasi waxaan abuurnay mudadii koobnayd ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi talada haysay, waxaan u aragnaa in Siyaasadahan dhamaystirkoodu ay tayo u yeelayso Sidii ay dhallinyaradu shaqo u heli lahaayeen,Waxaanu tababaro kala duwan u fidinaa dhallinyarada kala duwan ee ka baxda Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha iyo Kuwa ay ka luntay wakhtigii ay wax baran lahaayeen kuwaas oo aanu siino xirfado kookooban”.

Wasiir Hinda Jaamac Xirsi Waxay Tusaale u soo qaadatay hay’ad fadhigeedu yahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo fursad wax ku ool ah u samaysay Dhallinyaradda Somaliland waxayna Tidhi ”Waxaan Tusaale u soo qaadanaya Hay’ada Kuwiytiga ah ee degen Caasimadda Hargeysa waxay dhallinyaradda ay gacanta ku hayso ee agoonta u badan bartaa Xirfado kala duwan,waxaa runtii nasiib wanaag ah in qofku marka uu waxbaarsho ku jiro mudo 18 Sannadood ah ee aanu nasiib u helin inuu shaqo ku helo in taas badalkeeda ay hay’adani dadkii ay wax bartay ay shaqo helaan sannad gudihii”.

Gudoomiyaha Dallada Sonyo Cabdi-casiis Siciid Saalax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin bulshada ugu badan ee Somaliland ku dhaqan ”Da’ yarta Sidii laga dhawaajiyey waa Bulshada ugu badan ee ku nool Jamhuuriyadda Somaliland 70%, Taas macnaheedu waxa weeyaan 2.7 Milyan oo Somaliland ku nool ayaa ah da’ yar taasi waxay Somaliland ka dhigaysaa qaramada ugu badan ee ay da’ yartu ku nooshahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u furay Shirweynaha heerka qaran ee dhallinyaradda Somaliland ayaa dhaabadeeyey qodobada uu u arko in si gaar ah loo tixgeliyo si loo gaadho hadafka shaqo abuurka dhallinyaradda Somaliland waxaanu si gaar ah u xusay Sadexdan qodob oo uu mid kastaba iftiimiyey ahmiyadiisa, Madaxweynaha oo qodobadaas ka hadlaya ayaa yidhi. “

  1. Qodobka ugu Horeeya in Shaqo muwaadin qaban karo aan loo doonan cid ajaanib ahi inay qabato Waxaan u soo jeedinayaa Ganacstada iyo Hay’adaha dalka ku sugan inay qodobkaas tixgelintiisa siiyaan kana taxadiraan in Shaqo uu Muwaadin qaban karo ay Ajaanib u soo Kaxaystaan.
  2. In Waxbarashadeena aynu ka bedelno sida ay maanta tahay si ay isu waafaqaan Suuqa Caalamka iyo ka Gudahaba ee Shaqada.
  3. Ta u danbaysa Shirka waxaynu ka sugaynaa inuu inoo Sameeyo Iskaashi ah Sidee ayaynu dadkeena u shaqo gelinaa.”

Madaxweyne Muuse Biixi Waxa kale oo uu ka hadlay Qodobada ay Xukuumadiisu Mudnaanta siinayso ”Dhalinyaradda waxaanu ugu tallo galnay waxa haysa wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska  iyo Wasaarado kale, annaga qorshahayaga shaqadu waa urursan yahay marka la eego dhaqaalaha xukuumadda soo gala, dabcan mudnaanta koowaad maanaan siin shaqo-gelinta, mudnaanta koowaad waxaanu siinay nabad-galyada oo masuuliyadda ugu weyn ee nalaga doonayo ah, mudnaanta labaadna waxaanu siinay caafimaadka, mudnaanta sadexaadna waxaanu siinay waxbarashada, markaa hadaanu qofka amaankiisii, caafimaadkiisii iyo waxbarshadiisiiba ka soo talinay dee shaqo gelintiisa waa in la naga caawiyaa, dhamaantiin aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin”ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi .

Waxaa kale oo Kulankaas Shaqo abuurka Dhallinyaradda Somaliland ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir (Faratoon), Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada Sharmaarke Axmed Muxumed,Xubno ka socday Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah ee u dhaq dhaqaaqa shaqo abuurista dhallinyaradda Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.