WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, August 30, 2018 (Saxafi) – Madaxweynihii Hore ee maamulka Jigjiga Cabdi Maxamuud Iley oo shalay  la horgeeyay maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, ayaa dalbaday in damaanad lagu sii daayo xaaladdo dhinaca caafimaadka ah oo la daris ah awgii.

Ex. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Iley ayaa sheegay inaanu helin intii uu xidhnaa wax daryeel caafimaad ah, waxaana uu dalbaday in damiin lagu sii daayo, dhagaysiga Kiiskiisuna uu socdo isaga oo banaanka Jooga taasi oo sida uu ku dooday sharciggu u Ogol-yahay.

SomlegalAds

Tan bedelkeeda waaxda Garsoorka ee maxkamadda ayay ka dalbatay xeer ilaalinta iyo Ciidamada Bileyskaba in baadhista Gal-dacwadeedka loo Haysto Ex. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) in la siiyo muddo 14 maalmood ah oo ay ku soo dhamaystiraan baadhistoodda.

Sida lagu baahiyay fanabc.com Garsoorka ayaan Jawaab ka bixin dalabka Cabdi Maxamuud Iley ee ah in lagu sii daayo damiin xaalado caafimaad oo lasoo darsay Awgood iyo sidoo kale dalabka xeer illaalinta waxaana la filayaa in maanta maxkamadu codsiyadaas go’aan ka gaadho. Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la xidhan Xubno ka mid ah Golihiisii Wasiiradda waxaana loo haystaa falal ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha iyo amnigga dalka Ethiopia.

Madaxweynihii hore ee Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa la xidhay Axaddii ka dib markii isaga iyo xubno golihiisii ka mid ah laga qaaday Xasaanadda ay huwanaayeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.