WorldRemitAds

Siyaasiga Caanka ah ee Ismaaciil Buubaa ayaa weli aad moodaa inay wax ka dhiman yihiin sheegashadiisa iyo daacadnimadiisa qarannimada Somaliland, iyadoo marba marka dambeeya ay soo baxayaan calaamado muujinaya in Siyaasi Buubaa weli aaminsan yahay midnimada Soomaaliya.

Siyaasi Buubaa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, dalkana ku sugnaa dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay ayaa intii aanu iman Somaliland weligii aaminsanaa midnimada Soomaaliya, isagoo xilal heer sare ah, sida wasiirka arrimaha debedda ka soo qabtay dalkaasi Soomaaliya.

SomlegalAds

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sidoo kale lagu tirin karaa siyaasiyiinta reer Somaliland ee waayo arranimada leh hase yeeshee dawladihii Somaliland soo maray iyo ta haatan xukuntaba marnaba kama faa’iideysan waayo arragnimadiisa, waxana uu ilaa hadda ka mid yahay siyaasiyiinta dhaliilaha la daba socda dawlad kastoo Somalilad yeelato.

Badi dadweyaha Somaliland ayaa aaminsanaa ama la yaabay sida ay siyaasiyiitii midnimadda Soomaaliya ka soo diga rogtay wax wanaagsan ku soo kordhin doonaan dawladda iyo shacbiga dalka, iyagoo laga filayey inay weji kale u yeeli doonaan siyaasadda aqoonsi raadinta taasoo ama siyaasadaas oo loo layahay ciddi hore u dhaqaajin lahayd. Ismaacil Hurre Buubaa oo ay isku hayb ama degaan yihiin Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, loona arko inuu weli ka mid yahay yahay tiirarka u taagan qaddiyadda Somaliland ayaa marka la barbar dhigo siyaasiyiinta kale ee dalka u kaga duwanyahay sida sarbeebta ah ee uu u gudbiyo aragtidiisa siyaasadeed, isla markaana aan hadalkiisa si cad ugu soo hadalqaadin qabyaaladda iyo gobolaysiga.

Haddaba marka la eego waxa dad badani ka aaminsanyihiin Ismaaciil Buubaa siyaasaddiisa ku saabsan Somaliland iyo Somalia ayaa cid kastaa garan kartaa in Siyaasi Buubaa weli aanu lugta kala bixin midimada Soomaaliya, intii uu Somaliland joogayna had iyo jeer uu taageero siyaasadaha burburka u keeni kara dawladda iyo siyaasadda Somaliland ee gooni isu taaga, in kastoo Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday inuu kala shaqeeyo adkaynta Somalilandnimadana uu Mudane Buubaa meelxun ka garaacay arrintaasi.

Hadalkii u dambeeyay ee uu Ismaaciil Buubaa kaga hadlay saxaafadda kuna saabsanaa Kornaylka Reer Somaliland ee Puntland u soo raacaya dagaalka ay Somaliland kula jirto maamulkaasi, ayaa waxa uu u qiil sameeyey kornaylkaasi, isagoo dhinaca kalena uu u badheedhay inuu qabyaalad kala dhex dhigo ciidamada qaranka Somaliland, taasoo u muuqata in haybta uu ka soo jeedo Kornaylkaasi ku dhiirrigeliyey inay ka baxaan ciidamada qaranka durbana la maqlayo askari sheegtay inuu ka baxay ciidamada Qaranka eeTukaraq kuna biirayo kooxda Caare.

In kastoo kornayl ka baxay ciidamada qaranka dalku waxba yeelayn daafaca qaranimada dalka, waxase hadalka Siyaasi Buubaa u muuqdaa mid bannaanka soo dhigay siyaasadda laba wejiilaynta ah ee uu ku shaqeeyo Siyaasi Buubaa inta u joogo Somaliland, lugna weli kula jiro Muqdisho, tan kalena Hargeysa u taallo.

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.