Somaliland: Gargaarkii Ugu Horeeyay Oo La Gaadhsiiyay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Awdal Iyo Selel

0
82
PropellerAds

Lughaya, Somaliland, May 23, 2018 (Saxafi) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa deeqdii ugu horraysay ee  gargaar ah oo xukuumaddu bixisay  gaadhsiiyey degmada Lughaya oo ka mid ah goobaha ay sida weyn u wax yeelleeyeen roobabkii duufaannada watay ee ku dhuftay ee dhawaan  gobollada Awdal, Salel iyo Saaxil.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinayo guddoomiyaha hay’adda  qaxtoontiga  iyo Barakayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif), ayaa diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo ay inagu caawisay dawladda Imaaraadka Carabta, deeq gargaar ah ugu geeyey shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee ay roobabku waxyeellada gaadhsiiyeen.

Gargaarkan oo isugu jira daawooyin, Raashin, Dhar, Timir, Biyo waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah, ayey madaxweyne ku xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayaa gaadhsiiyeen shacabka degmada Lughaya, kuwaas oo si weyn ugu farxay deeqda gargaarka ah ee ay xukuumaddoodu soo gaadhsiisay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey goobta lagu wareejinayey gargaarkan, ayaa sheegay inuu gargaarkani hordhac u yahay deeq laxaad leh oo ay xukuumaddu u qorshaysay dadweynaha duufaannadu tabaaleeyeen, isla markaana maalmaha soo socda oo dhan aanay xukuumad ahaan ka nasan doonin sidii dadka dhibaatadu taabatay deeq loo gaadhsiin lahaa.

Mudane Cabdiramaan Saylici, ayaa shacabka u sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba iska hagranaynin, isla markaana intii awooddooda ah gargaar gaadhsiin doonaan dadka dhibaatadu taabatay, “Gurmadkii ugu horreeyey waa kan, haddii  uu roobku inaga yara maqnaadona gaadiidkii baa iman doona, caafimaadkiina wuu ina soo gaadhay, intanina waxa ay noqon doontaa dhiig joojin uun, waxana aanu idinku boorrinaynaa inaad ka fikirtaan sidii aad gargaarkaas si wanaagsan isugu gaadhsiin lahaydeen,” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi Shaqaabe) iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka mid ah hay’adaha Samafalka ayaa gaadhay deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas oo ay saameeyeen roobabkii iyo duufaanaddii todobaadkii aynu ka soo gudubnay. Waxaa la ururinayaa xogta dhibaatadda dhacday ka sokow caawimadda kooban ee la gaadhsiiyay.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee gargaarka hordhaca ahi gaadhay, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay nasiib u heleen gargaarkii ugu horreeyey ee xukuumadda Somaliland bixiso, waxana ay ka warrameen heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada ka dhalatay roobabkii dabaylaha watay ee Jiiddaas ku dhuftay.

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.