WorldRemitAds

Meeqaamka Sare ee Dawladda Imaaraatka Carabtu ku soo dhaweysay Madaxweynaha Somaliland Iyo weftigii uu hoggaaminayey waxay ka turjumaysaa in Xidhiidhka Somaliland Iyo UAE u gudbay Marxalad Sare

Hargeysa, Somaliland, March 10, 2019 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay waddanka Imaaraatka Carabta ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay wadankaas.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Weftiga Madaxweynaha ayaa ka degay madaarka Albateen Airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana weftiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraatka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraatka. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay laga bilaabo maanta (shalay) guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shalay safar shaqo ugu ambo-baxay dalka isu-tagga Imaaraatka Carabta oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen una soo diray diyaar khaasa.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Ganacsiga Wershedaha iyo Dalxiiska, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, Mudane Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Maxamuud Xasan Sacad oo isagu kaga sii horeeya weftiga Imaaraatka, waxana uu safarkani qaadan doonaa muddo maalmo ah oo aanay cayimin madaxtooyaddu.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada uu salka ku hayo safarka ay Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka Imaaraatka Carabta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“ Waxa uu safarka madaxweynuhu salka ku hayaa xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya waddamada Imaaraatka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo wadaaga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi, islamarkaana ay ka dhexeeyaan hawlo horumarineed oo aad u waaweyni, waxaana uu dardargelin doonaa xidhiidhka labada dal.”

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka isu-tagga Imaaraatka Carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu hoggaanka dalka qabtay.

Xidhiidhka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo UAE ayaa hadda u gudbay marxalad cusub, waxaana taas dadka siyaasadda iyo arrimaha dublamaasiyadda la socdaan markhaati uga dhigeen meeqaamka sare ee weftiga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi loogu soo dhaweeyay dalka Imaaraatka Carabta, taas oo la odhan karo waxay u muuqataa wakhti dhow ay labada dhinac u sii horumarin doonaan xidhiidhka taariikhiga ah ee labada shacab ka dhexeeya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.